=” Buugaagt ugu badan ee lagu iibiyo dalalka Carabtu waa buugaag ka hadlaya cunto karint iyo mala’awaalka loo fasiro riyada qofka, taasina waxa ay ku tusinaysaa in aynu nahay ummad u nool in ay hurdaan waxna ay cunaan”. Nizar Tawfiq Qabbani
=” Is-beddel ay sameeyaan maalmaha iyo wakhtigu waxa ay kaa dhigi doonaan laba xaaladood midkood: in aad ahaato qof lagu daydo ama lagu cibro qaato, adiga ayaana masuul ka ah in aad naftaada u doorto hadba midkii ay u qalanto.” William Shakespeare.
=” Maangaabnimada midda ugu xun waxa ay tahay in aad naceyb u muujiso qof aanad weligaa la kulmin adiga oo sabab ka dhigaya in aad maqashay dad kale oo xumaantiisa sheegaya nooca ay doontaba ha ahaatee”. Mark Twain.
=” Mar kasta oo uu qofku weynaado waxa yaraada dadka ku xeeran noloshiisa iyo tirada saaxiibada uu leeyahay, waayo caqliga qofka garaadsaday adkeysi uma yeesho inuu been ku noolaado, khiyaali iska dhaadhiciyo ama wakhtigiisa uu ku bixiyo wax aan naftiisa iyo horumarkiisa faa’iido u lahayn”. George Bernard Shaw
=” Adigu marka aad wax cunayso waxaad doorataa raashinka ugu wanaagsan haddii aad helitaankiisa awooddo si aad jidhkaaga u quudiso, ee haddaba waxaa diidaya in aad raadiso macluumaad aragti ku dhisan si aad u kobiciso caqligaaga iyo aqoontaada oo labaduba mihiim u ah jiritaanka noloshaada” Dr Ibrahim Elfiky.
=” Waxa aad ii soo jiitay shakhsiyaadka wanaagsan ee tixgeliya rabitaanka dadkana ku ixtiraama kala duwanaashaha fikirka, u hadla si cilmiyeysan, wax u dalbadada si xasillooni iyo asluubi ay ku dheehan tahay, una kaftama si nabad ah, cudurdaar la yimaada marka uu khalad ka dhaco, ugu dambeyntana si farxad leh kaaga dhaqaaqa marka uu dantiisa gaadho.” Ghassan Kanafani
=” Mudnaan gaar ah ayuu kaa istaahilaa qofka aad u aragto inuu adiga xushmad kuu hayo laakiin wixii intaasi ka soo hadha salaanta oo keliya oo aad ka guddoonta basharka ayaa wax walba kaag filan’. William Shakespeare.
=” Marka waddan gaar ah lagu ibtileeyo dagaallo joogto ah oo ay dawladaha shisheeye ku lug leeyihiin, dadka fiqiirka ah ee waddanka u dhashay waxa ay durbadiiba isugu yeedhaan in ay waddankooda difaacaan, balse marka uu dagaalku dhammaado taajiriinta waddanku waxa ay qaybsadaan hantida guud iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee uu waddanku leeyahay”. Lama garanayo cidda tidhi.
=” Hormarku kuma yimaado rajo aan ficil lagu dabbaqin, ee waa arrin u baahan is-beddel dhab ah oo ay naftaadu gaadho si aad u xaqiijiso riyada aad ku taamayso. Kuwa maalintii ay dhasheen ilaa hadda aan caqligooda waxa ka beddelin marnaba awood uma yeeshaan inay meeqaam sare ka gaadhaan baratanka adag ee loogu jiro nolosha adduunka”. George Bernad Shaw.
=” Basharka qaarkii marka aad u muujiso naxariis iyo dabacsanaan waxa ay kuu malaynayaan in aad tahay qof liita, laakiin marka aad xaqirto jiritaankooda oo aad ixtiraami weydo waxa ay kuu arkayaan in aad tahay shakhsi xoog badan oo ku weyn qalbiyadooda”. Lama garanayo cidda tidhi.
=” Dadka qaarkii waxa ay garanayaan magacaaga, ee ma oga qisadaada dhabta ah: waxa ay arkayaan dhoollacadeyntaada, oo ma oga xannuunkaaga iyo waxa aad waayaha kala kulantay, waxa ay badankoodu la yaaban yihiin aamuskaaga oo ma oga waxa maskaxdaada ka guuxaya, hasa yeeshee waxa ay awoodaan oo keliya in ay akhriyaan qoraal aad adigu soo qortay iyaga oo aan ogeyn wakhtiga aad ku bixisay sidii farriintaada u gaadhi lahayd.” Lama garanayo cidda tidhi.
=” Qofka doonaya inuu meel sare ka gaadho nolosha waxa inuu ka adkaadaa lixda tiir ee faqriga keena, kuwaasi oo kala ah: Hurdada, maalka xaaraanta ah, cabsida joogtada ah, caajiska badan, ku tiirsanaanta dadka kale iyo meermeerinta beenta ku dhisan.” Lama garanayo cidda tidhi.
=” Mararka qaar waxa aynu ka saarnaa nolosha shakhsiyaad aan dib dambe ugu soo noqon doonin qalbiyadeenna; ma ah in ay dhinteen dadkaasi oo mowdku haleelay balse waxaa agtooda ka dhintay sifooyinkii hore ee lagu yaqaanay ee aan ku jeclayn wakhtiyadii hore ee la soo dhaafay’. Ghassan Kanafani.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
La soco qaybo kale oo xiiso badan taxanahan