Ardayda Dugsiga Nuuradiin Qaybta Wiilasha Oo Gadood Ay Shalay Sameeyeen Ku Burburiyey Dugsigoodii Iyo Sababta Arday Wax Ka Qoray Dugsiga Oo La Eryey

0
446

Hargeysa, March 4, 2021-(Foore)- Ardayda Dugsiga Sare ee Nuuradiin ee Magaalada Hargeysa gaar ahaana qaybta wiilasha,ayaa gooddood sameeyey shalay,kadib markii uu maamulka iskuulku uu eryey arday maqaal ka qoray qaabka uu dugsigu uu ula tacaallay cudurka coved 19 iyo weliba arday kale oo komantisa ka bixiyey qoraalkaas oo ina le eryey. Ardayday Gadoodka samay oo war-baahinta la hadlay ayaa sheegtay sidan:“ Iskuulkani iskuul maaha caddaalad darro ayaa jirta,halkan waxa ka dhacay mudaharaad ay dhigeen iskuulka qaybta Wiilasha ee Dugsiga Nuuradiin ,ardaydu dulmiga ayey diidayaan caddaalad ayey rabaan dulmiga loo geystay ardaydaa ayey ka mudaharaadayaan .”ayey sheegaan.

Waxaanay ay intaas ku sii dareen “Gef ayey nagu waddaan maamulku xuquuqal insaan ayaanu u baahanay noo doodda,wax-barasho ayaa na loogu soo diraa, lakiin wey nagu gefayaan oo lacag dheeraad ah ayey doonayaa buuggaag ay kaaba u bixiyeen ayey dhibcahaygii imtixaanka nagaga goosanayaan,meesha waxa ka jirta xaq darro  weyn hoos ha noo eegto Dowladdu iyo Wasaaradda Waxbarashaddu.”ayey sheegeen

Dhanka kalena Maxamed  Axmed Jaamac oo ahaa ardaygiii maqaalka ka qoray iskuulka ayaa sheegay inay ku keliftay inuu maqaalkaa qoro markii uu arkay xayeysiis been ah oo iskuulku baahiyey,kaas oo lagaga hadlay qaabka uu iskuulku ula tacaalay cudurkaa iyo qalab ardayda loo keenay,balse isna waxa uu go’aansaday inuu soo bandhigo madaama oo uu yahay arday dhigta iskuulka sida xaqiiqda ah ee iskuulka ula tacaalay cudurkaa ,taas oo keentay in maamulka iskuulka uu dhib sado qoraalkiisa ,isla markaana la eryo “Anniag qoraalka waxa igu dhaliyey ee igu kelifay waxa weeyaan uun in Bulshada xayaysiiska beenta ah ee loo soo gudbinayo,aan runta gaadhsiiyo oo aan u sheego sida xaqiiqadu ay tahay, madaama oo aan xog-ogaal ahay oo aan arday ka ahay iskuulka,sababta la ii eryeyna waa maxaad runta u sheegaysaa uun,wuxuu ku saabsan sidii xayaysiis iskuulku uu gudbiyey oo uu duubay oo ku saabsana sidii uu iskuulku ula tacaalay cudurka coved 19-ka, ardayda in loo soo kordhiyey qalab-yaddaas oo keliya xayeysiinta uun laga arkayey,balse marka arday la yahay ee iskuulka la jooga xaq aananu helayn ah,Qoraalka anniga ayaa qoray oo wakhti igaga baxay .”

Waxa kale oo uu sheegay in arday kale lagu eryey koman uu ka bixiyey qoraalkaa“Cabdiweli abakor oo aan isku iskuul nahay lakiin aanu kale fasal nahay oo komanti uu iga bixiyey isagana lagu eryey,markii la i eryey ayuu qoraalkii aad u faafay iminka’se ardayda la eryey aad ayey u baddan yihiin tiradaa tirro ka baddana lama eryi karrayo,markaa isagu shalay “doraad “ayuu ahaa wuxuu ahaa dadkii ugu horeeyey oo koman ka dhiibtay qoraalkayga aan soo dhigay,sidaas ayaa lagu eryey.”ayuu yidhi. Ugu dambeyn Ardayngan ayaa sheegay inay maamulka iskuulka Nuuradiin ay ardaydu ku qabaan tacadiyo kale duwan “Ardaydu dhinacyo baddan ayey ka cabudhsantay dhinac dhaqaale oo lacag aad u baddan ayaa arday kasta ka baxda iyo cabudin siyaabo kale ah”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here