Hargeysa, March 4, 2021- (Foore)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Xisbiyadda WADDANI iyo KULMIYE ay noqdeen Xisbiyo qabiil, waxaanu sheegay in Xisbiga keliya ee Qaranku uu yahay Xisbiga uu hoggaamiyo ee UCID, kaas oo uu sheegay inay musharraxiinta iska sharraxday ay beelaha Somaliland oo dhan ka kooban yihiin.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si gaar ah u soo qaatay Xisbiga WADDANI waxaanu sheegay in Beesha uu ka soo jeedo Cirro aanay Xisbiga UCID iska sharraxin, waxaanu Xusay in Saddex Musharrax oo reer Ceerigaabo ah oo UCID iska sharraxay in laga daba yimi oo WADDANI lagu qasbay inay iska soo sharaxaan,waxa kale uu xusay in Burco ilaa Hargeysana ya Beeshaasi ka fadhiisatay oo aanay UCID hal musharrax keenin.
Guddoomiye Faysal ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan:“Walaal waxa aan ka xumahay in labadii Xisbi ee kelle ay qabaa’il noqdeen,waana kuwii ku olloleeyey haddana wey wadanoo,iminka Beesha uu ka soo jeeddo Guddoomiye Cabdiraxmaan waxay ka dhigeen Xisbigii,Xisbi reereed ayey ka dhigeen,Ceerigaabo saddex nin oo qiimo leh oo Gadh weyna, ayaa iska sharaxay UCID waa laga adkaatay oo waxa lagu yidhi waa in aad tagtaan WADDANI kii saddexaad-na wuu ligliganayaa,marka aan imaado Burco qof-ba waanu ka weynay oo meel kale ha tegina ayaa la yidhi, Hargeysana inan Qaasin ah oo xoghayuhu abti u yahay ayaa mar dambe naloo keenay.”
Geesta kale Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Garjis wax la yidhaah aanu shaqayn,waxaanu u xusay in abtiyaashii ay Sagaal Musharrax ay kasoo sharraxeen Xisbiga UCID “Markaa waxa aan idiin sheegayaa bahashaa aad garxajisiya tidhaah-daan in aanay shaqaynay ayaan idiin sheegayaa ee ay danlay tahay, abtiyaashay sagaal ayey ii keeneen in kastoo laba la xidhay midna loo diiday warqadii xeer ilaalinta ,qoladani waanay xidh-xidhi karayne, lakiin wey ku dhaarteen inay iska casilaan UCID, xisbiga keliya ee Qaranku waa UCID ee taas oggaada.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.