Taliska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Beeniyay Inay Difaaca Dalku Dib U Soo Ruqaansadeen, Farriin Culusna U Diray Guud Ahaan Shacabka S/land Gudo Iyo Dibadba

0
218

Tukaraq, March 01, 2021- (Foore) – Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa beeniyay warar maalmihii u dambaysay la isla dhex marayay oo been abuur ahaa oo sheegaya in Cutubyo ka tirsan Ciidanka ku sugan jiidda hore ee Tukaraq ay gadood sameeyeen kana soo baxeen jiidda hore iyo halkii ay dhufayska cadawga kaga jireen, waxaanay sheegeen inaanu warkaasi waxba ka jirin islmarkaana uu ahaa baro bogaande aan sal iyo raatoona lahayn.

Wafti uu hogaaminayo Abaanduulaha Koowaad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cabdirisaq Siciid bulaale oo ay ka  mid ahaayeen Taliyaha Aaga Bari ee Ciidanka Qaranka Sareeye Guuto Cali Bare Xuseen, Afhayeenka Ciidanka Qaranka gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cadilaahi, Abaan Duulaha Aagga Bari ee  Ciidanka iyo Hogaanka Ciyaaraha Ciidanka Maxamed Cabdi Cabdille oo shalay kormeer ku soo maray Jiida hore ee Ciidanka Ciidanka Qaranka Somaliland ee Degmadda T ukaraq oo markii dambe la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay warar been abuur ah oo Ciidanka laga baahiyay.

Ugu horrayn Taliyaha Aaga Bari ee Ciidanka Qaranka Sareeye Guuto Cali Barre Xuseen ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu halkan Bulshada Somaliland ugu gudbinaynaa haddalo kutidhi kuteen iyo Baro Bogaando Xambaraarsan oo dibad iyo gudabada lanaga soo waydiiyay, Ciidanka Qaranku Jiida Gobolka Sool iyo Jiid kaleba kama soo bixin, horena ugama soo bixin, haddanka kama soo bixin, Dibna uga soo bixi maayo,waxa kale oo aan u sheegaynaa bulshada Gudo iyo dibadba inaanu Ciidanka Qaranku ahayn Mobile wax lagu shubto, waa ciidan caqiijiyay jiritaanka iyo Madax banaanidda Somaliland, waa ciidanka hadafka iyo ujeedada lagu dhisay garanaya, aqoonna u leh, kuna shaqaynaya Waajibaadkiisa”.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Qaranka, ahna Hogaanka Gaadiidka Taangiyadda iyo gawaadhida Gaashaaman  Cabdiraxmaan Cabdilahi Xasan ayaa isna waxa uu yidhi “waftigan uu hogaaminayo Abaanduulaha Koowaad ee Ciidanka Qaranka ee ka yimid taliska guud oo uu noosoo diray Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani inaanu Kormeer ku soo marno jiidda hore ee Tukaraq ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu maanta kormeer buuxa kusoo marnay dhamaan fadhiisimadda Ciidanka Qaranka ee Degmadda TUKARAQ, waxaan bulshada Somaliland ee jecel Ciidankooda halkan uga cadaynaynaa inaanay jirin hal guuto oo kasoo dhaqaaqday meesheedii ee ay Guuto waliba ku sugan tahay goobtii ay kaga jirtay difaaca ee ay deganayd”.

Ugu dambayn Abbaan-duulaha Koowaad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sarrreeye Guuto Cabdirisaaq Afguduud ayaa isna yidhi “Ciidankii Qaranku dhamaantood waxay ku sugan yihiin jiidoodii farxad iyo rayn rayn iyo wanaag ayaanay kaga sugan yihiin, Ciidanka Qaranku maanta waa guurti, waanay ka caqli badan yihiin inay xumaan ku kacaan, oo la adeegsado”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here