Siyaasi Cabdikariin Xinif Oo Carroog Qabyaaladeed Ka Afuufay Burco Xisbiyada Mucaaridkana Ku Sheegay Kuwo Aan Deegaamada Somaliland Qaarkood Lagaba Aqoon

0
631

Burco, March 01, 2021-(Foore)- Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif oo Magaalada Burco kaga qayb-galay xafladda shaacinta Musharraxiin uu KULMIYE qaabilay, ayaa halkaas ka jeediyey haddalo aan munaasab ahayn oo dad badani ka gaws-qabsadeen oo ahaa kuwo aan wakhtigan Munaasab ku ahayn Bulshada reer Somaliland maadaama lagu jiro wakhti ay qabyaalad ba’ani hadhaysay nidaamka xulista xildhibaannada u tartami doona doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada.  Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif oo markii madasha xafladda musharraxiinta Beesha Bariga Burco uu ka hadlayey ayaa ku bilaabay hadalkiisa sidan:-“Yeynu  niyad jebin yey waxba inama yeellin inta kooban ee looga gacan haadiyey UCID, Ninka aan idiin sheegayaa waxa uu aniga iigu dhaartay, dhaar waxaan ku marayaa ayuu yidhi Haber-jeclo inta awooddayda in aan burburiyo, waa nin Habar-jeclo ah, degaankiisii isagu lamuu tegin  uu isagu deganaa, Samane iyo Yaasuf ayuu ka bilaabay inamu u dhego nugul-na wuu hellay, waa inamadeeniii alle ha inoo soo haddeeyo, codkooda ayeynu u baahanay ollolahooda ayeynu u baahanay, wax tarkooda ayeynu u baahanay inay inala shaqeeyaan ayeynu u baahanay weynu rabnaa weyna inoo iman doonnaan.”ayuu ku yidhi Guddoomiye Xinif.

Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif ayaa si jees jees ah waxa uu hadallo bahdilaad ah ugu yasay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo uu ku sheegay xisbi aan deegaamadiisa xataa magaciisa laga garanayn. Isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi: “Xisbiga KULMIYE, dadka qaar wuu yaqanaan Xisbiyadda faraha baddan, laakiin inta badan degaanaddu xataa waxa laga yabaa UCID in aanay karinba oo ay khaldaan qaar  UCUD, qaarna UCAD yidhaahdaan oo qaarba wax kale yidhaah-daan, WADDANI-na haddalkiisaba daa.” Ayuu yidhi masuulkan ka tirsan xisbiga KULMIYE.

Si kastaba ha-ahaatee Guddoomiye Cabdikariin Xinif ayaa ah masuul kaliye  ee tan iyo markii la muddeeyey doorashooyinka isku sidkan inay dhacaan 31 May ee sannadka 2021-ka  illaa hadda fagaare ka sheegay weedhahaas kakan oo dad badani ku tilmaameen kuwo kala qaybinaya Bulshada oo aan habboonayn ama kala fogayn kara beelaha walaalaha ah ee reer Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here