Hargeysa, March 01, 2021- (Foore)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi ka diray Geerida Alla Ha U Naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim oo Saqadhi loo yaqaanay oo ahaa Madaxii hore ee Borotakoolka Madaxtooyada Somaliland xilligii xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kaasi oo habeen hore ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhammbaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi) oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 28/02/2021 Caasimada Somaliland ee Hargeysa, laguna aasay.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ku lahaa dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland ku dhaqan, xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey, wakhti xaadirkana ka mid ahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha jsl