Laba Wiil Oo Dhalinyaro Ah Oo Lagu Dilay Badhtamaha Magaaladda Muqdisho Iyo Sababta Dilkooda Keentay Oo Lagu Sheegay Inay Askarta Dawladda Ka Tirsanaayeen!!

0
465

Muqdisho, March 01, 2021-(Foore)–  Kooxo hubeysan ayaa barqanimadii Shalay waxaa ay Suuqa Bakaaraha ee Badhtamaha Magaalada Muqdisho ku dileen laba dhallinyaro ahaa, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Dhalinyarada la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Axmed Xasan iyo Ismaaciil Axmed Siyaad, waxaana la sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya qeybta ilaalada shacabka ee dharcadka loo yaqaan. Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayay labada dhallinyarada ah ay wateen mooto nooca labada lug leh ee Fekonta loo yaqaan, waxaana weerarkaas sidoo kale lagu dhaawacay mid kale oo la socday.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilkaas, iyaga oo ku sheegay qoraal lagu daabacay baraha ay ku leeyihiin Internet-ka in dhalinyarada la dilay ay ka tirsanaayeen askarta Dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in Ciidamada Booliska ay sameeyeen howlgal baaritaano ah oo lagu baadi goobayay ragii fuliyay dilka loo geystay Askarta ka tirsaneyd dharcadka.

Laamaha Amniga Soomaaliya ayaan illaa Xalay wax faah-fahin ah kabixin, waxaana dilkani uu kusoo aadayaa xilli ay Shalay Muqdisho ka dhaceen qaraxyo lala eegtay Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Xaaladda Amni ee Magaalada Muqdisho ayaa maalinba maalinta ka dambaysa ka sii daraysa iyada oo amniga magaaladaasi oo markii horeba xumaa uu haatan u muuqdo mid xaalad culus galay iyada oo kooxaha wax khaarajiyaa jaanisyo waaweyn ka heleen qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan waddanka Soomaaliya oo ah mid wali doorashada murankeedu taagan yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here