Hargeysa, February 25, 2021-(Foore)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa soo jeediyay in la maxkamaddeeyo taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxaanu ugu baaqay inay ciidanka Qaranka Somaliland ee jiida hore ay iskaga yimadaan,madaama aanay haysan dareelkii Dowladda-nimo
Xildhibaan Nac-nac ayaa ka hadlay xaalada caafimaad darro oo la soo deristay askari kamid ah ciidanka Qaranka Somaliland ee jiida Tukaraq, kaas oo ay dhawaan warbaahintu baahisay oo u jiifa xannuun dhinaca kelyaha ah,waxaanu haddalkiisa u dhignaan sidan :-“Waxa aanu ka hadlaynaa war nax-din leh maan seexan markii aan maqlay haddalkiis askari 27 sannadood ciidanka ahaa oo Tukaraq raggii ugu horeeyey ee qabsaday kamid ka ahaa oo halkaas maanta Kelyuhu ku fadhiisanteen ooTaliye aanu u iman ee ciddi u iman oo Madaxweynuhuna aanu ka war hayn,waxa weeyaan khalad, markaa waxaan leenahay Taliyaha ciidanka Qaranka waa in la xukumaa oo Maxkamad la soo taagaa,markaas ayaan ka samraynaa, lakiin haddii ay caynkaas tahay waxaan leenahay kuwa kalena waxaanu leenahay kasoo baxa, wax allaale wax idiin faa’iido ahi ma jirto, qof idinka naxayaana ma jiro,wax walba waa laga jaray,.”ayuu yidhi
Dhanka kalena Xildhibaan Nacnac ayaa sheegay in haddii uu Madaxweyne Biixi ahaan jiray askari ay ahayd inuu u naxariisto askarta oo uu daryeelo “Madaxweynuhu wuxuu yidhi Mileteri ayaan ahaan jiray, haddii uu ahaan jiray miyuu dadka u naxariisto,waxaanu leenahay dadka ha loo naxariisto oo weliba askarta ha loo naxariisto, askarta ina illaalinaysa ee aynu foojignaantooda ku jiifno, habeen ayaa la ina soo geli lahaa,nin waliba inta uu Lacag qaato ayuu seexdaa, iyaguna dhaxan taas ayey joogaan,haddii ka xannuunsanay aynu kicin karri weyno, maxaa inoo faa’iido ah,.”ayuu sheegay
Geesta kalena Xildhibaan Nacnac ayaa ku baaqay in Maxkamadda la soo taago Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Taani “Waxaan leeyahay waa in ninkii la xukumaa , haddii ay diidana waxaan leeyahay askarta gadood sameeya oo na soo galla,waxa iga keenay ninkaa miskiinka ah ee halkaa jiifa ee 27-kaa sannadood u shaqanayey Dowladda,Tukaraq raggii qabsaday ah ee halkaa waabka uun jiifa, iminka waxa la yidhi Burco ayaa la keenay oo waab yar oo dhaxantu meel walba kasoo gelayso ayaa la keenay, ma waxaas ayaa dadnimo ah, haka soo baxeen haddii ay taasi jirto maxay u dhimanayaan, haddii aan la daryeelayn maxay ugu dhimanayaan lacagta ha nalaga jarro oo ha loo geeyo, raali ayaanu ka nahay,lakiin ciidankii haddii aan xaqoogii la siinayn maxay ugu dhimanayaan,.”
Ugu Dambeyn Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac ayaa sheegay in askarigii uu halleelay xannuunkaas uu hagraday Taliyahay ciidanka Qaranka Somaliland, madaama uu u baahnaa in la daweeyo xaaladiisa caafimaad “Wax-ba kuma noolin ayuu yidhi ninkaasina 27 sannadood ayuu halkaa joogay haddana kelyihii ayaa istaagay,waa lala cararaa qofka ha ogaado inuu dad u maqan yahay in aynu ka naxayno, markaa Jananka intaa eegayey eel eh lacag kuma hayo tiisa ayuu ka dirri lahaa.” ayuu yidhi Xildhibaanku.