Xaddiga Lacageed Ee Laga Shubayo Deebaajiga Musharraxiinta Doorashooyinka Wakiillada, Iyo Deegaanka Oo Ku Dhow Laba Milyan Oo Doollar

0
532

Hargeysa, February 25, 2021- (Foore)- Shuruudaha ku xidhan in ay buuxiyaan Murashaxiinta u taagan doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ka mid ah in ay shubaan lacagta deebaajiga ah ee laga rabo in uu shubo Musharrax kastaa iyada oo ay kala duwan yihiin qiimayaasha oo ku xidhan heerka Degmo Doorasho.

Lacagahan ayaa wadartooda marka la isku daro dhammaanba Musharraxiinta saddexda xisbi uga tartami doona dhammaanba degmooyinka doorasho ee dalka ayaa waxa ay ku dhawaan doonaan Laba Milyan oo Doollarka Maraykanka ah waxaanay lacagtaasi wax weyn ka tari doontaa kharashaadka doorashooyinka ku baxaya oo badiba Somaliland iskeed isaga bixin doonto.

Aqoonyahan Maxamed Cabdi Jaamac (Maxamed Dhimbiil) oo ka mid ah aqoonyahanka badiba lafa gurkaku sameeya xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka ayaa qoraal uu arrintan ka diyaariyay oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhsiiyey wargeyska Foore waxa uu u dhignaa sidan: “Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa uu ka kooban yahay lix (6) gobol oo ah lixdii degmo ee jiray ka hor 26 june 1960 kii oo noqday lixda gobo ee waaweyn ee jamhuuriyada Somaliland sida uu dhigayo qodobka 9aad ee xeer lr 23 xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka , goboladani jamhuuriyada somaliland waxa lagu galayaa doorashada golaha wakiilada oo ay goboladu u kala heleen sida tan;

Gobolka Maroodijeex   20 kursi

Gobolka Togdheer        15 kursi

Gobolka Awdal            13 kursi

Gobolka Sanaag           12 kursi

Gobolka Sool               12 kursi

Gobolka saaxil             10 kursi

Wadarta guud               82 kursi

Haddaba waxa aynu u gali doonaa in aan idin la wadaago gobolada jamhuuriyada mid waliba inta degmo ee uu yahay iyo inta leh goleyaal ee ay ka tartami doonaan xubnaha goleyaasha deegaanadu.

Gobolka Maroodi jeex waxa uu ka kooban yahay 19 degmo , waxa xubno gole deegaan leh 4 degmo oo kala ah; degmada Hargeisa A , degmada Gabiley A , degmada Baligubadle C iyo degmada Salaxlay C. Gobolka Togdheer waxa uu ka kooban yahay 22 degmo waxaana xubno goleyaal deegaan leh 3 degmo oo kala ah degmada Burco A , degmada Odwayne B , iyo degmada Buhoodle B.

Gobolka Awdal waxa uu ka kooban yahay 12 degmo waxaana xubno goleyaal deegaan leh 4 degmo oo kala ah degmada Borama A , degmada Saylac B , degmada Baki C , iyo degmada lughaya C.

Gobolka Sanaag waxa uu ka kooban yahay 19 degmo waxaana xubno goleyaal deegaan leh 6 degmo oo kala ah , degmada Ceerigaabo A , degmada Badhan B , degmada Ceel af weyn B, degmada Laasqoray C, degmada Dhahar C iyo degmada Gar-adag C.

Gobolka Sool waxa uu ka kooban yahay 21 degmo waxaana xubno goleyaal deegaan leh 4 degmo oo kala ah , degmada Laas-caanood A , degmada Caynabo C , degmada Taleex C iyo degmada Xudun C .

Gobolka Saaxil waxa uu ka kooban yahay 8 degmo waxaana xubno goleyaal deegaan leh 2 degmo oo kala ah , degmada Berbera A iyo degmada Sheekh C.

Doorashooyinka Waxa Ku Baxa Dhaqaale Badan Oo Qaranku Galiyo , Lacagtaasi Qayb Ka Mid Ahi Waxa Dabooli Kara Lacagaha Deebaajiga Ah;

Waxa doorashada golaha wakiilada isu taagi doona 246 murashax oo sadexda xisbi qaran ah oo ku tartami doona 82 kursi ee golaha wakiilada , hadaba waxa shuruud laga dhigay ka mid ah shuruudaha murashyada u tartamaya golaha wakiilada in mid waliba bixiyo lacag dhan 40 milyan oo lacagta Somaliland ah waxaana qaranka ka soo gali doona lacag dhan;

246 murashax xildhibaan x 40,000,0000 = 9,840,000,000 (sagaal bilyan sided boqol iyo afartan milyan oo lacagta Somaliland ah ) oo u dhiganta $1,157,647 ( Hal milyan boqol konton iyo todoba kun lix boqol afartan iyo todaba dollar ).

Halka ay degmooyinka ka tahay sida tan;

Hargeisa (A) 17 kursi X 3 Xisbi X 15,000,000= 765,000,000

6 degmo (A) 13 kursi X 3 Xisbi X 15,000,000= 3,510,000,000

5 degmo (B) 11 kursi X 3 Xisbi X 7,000,000= 1,155,000,000

11 degmo © 9 kursi X 3 Xisbi X 4,000,000= 1,188,000,000

23 degmo 249 kursi wadarta murashaxyada 747 = 6,618,000,000 (lix bilyan lix boqol toban iyo siddeed milyan ) oo u dhiganta $ 778,588 ( todoba boqol todobaatan iyo siddeed kun shan boqo sideetan iyo siddeed ).

Waxaa qaranka uga soo xeroonaya tartamayaasha doorashada wakiilada iyo deegaanka oo wadartoodu dhan tahay 993 tartame lacag dhan $ 1,936,236 ( hal milyan sagal boqol sodon iyo lix kun laba boqol soddon iyo lix dollar)”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here