Liiska Musharaxiinta U Tartamaya Kuraasta Golayaasha Wakiillada Iyo Deegaanka Oo Ku Soo Wada Idlaaday Xarumaha Dhexe Ee Xisbiyada Qaranka Ee Hargeysa Iyo Hawshii Ugu Cuslayd Oo Hadda Bilaabantay

0
976

Hargeysa, February 25, 2021- (Foore )- Saddex-da Xisbi Qaran ee Somaliland, KULMIYE ,UCID iyo WADDANI oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa qabashada arraajida iyo aqbalaada Musharraxiin u tartamaya doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada ee u muddaysan inay dalka ka qabsoomaan bisha may 31,2021-ka, ayaa hadda la sheegay inay soo gebogebeeyeen saddex-da Xisbiba,isla markaana ay dhammaan liisaskii Musharraxiinta Xisbiyaddu ay ku soo xeroodeen xarumaha guud ee saddex-daa Xisbi ay ku leeyihiin Magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa.

Saddex –Xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI ayaa la sheegay inay si rasmi ah u soo gunaanadeen hawlihii qabashada arajida musharraxiinta iyo aqbalaadooda, waxaana la sheegay inay saddex-da Xisbi gobollada qaar ay ka qateen tiradii loo cayimay tu ka baddan,waxaanay hadda gudda gellayaan kala hufka iyo kala haaddinta musharraxiinta,waxaana la fillayaa in horaanta bisha March ee fooda inagu soo haysay inay saddex-da Xisbi si rasmi ah u shaacin doonnaan liisaska musharraxiintooda,isla markaana ay u guddibin doonnaan Guddida doorashooyinka Qaranka.

Dhanka kale Xoggo hoose oo Foore ka hellay xalay illo wareedyo rasmi ah ayaa noo xaqiijiyay in saddex-da Xisbi Qaran ay isku jaagidhayaan,isla markaana uu mid-ba mida kale doonnayo inuu oggaado musharraxiinta rasmiga ah ee uu badka keenayo.

Geesta kale Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa isboorooyin kale duwan oo ay ku ugaadhsanayso u dhigatay Musharraxiinta Xisbiyadda Mucaaradka ka tartamaya qaarkood kuwooda ay u arragto inay halis ku yihiin musharraxiinta Xisbiga KULMIYE,isla markaana haddii ay guulaystaan ay u arragto inay mucaaradad addag ku keeni karraan mustaqbalka Xukuumadda Biixi. Isbaarooyinka ay Xukuumadda u dhigatay ayaa waxa kamid ah xeer illaalinta,taas oo hadda qaar kamid ah musharraxiinta labada Xisbi u diiday inay siiso warqadaha dabi la’aanta iyo Komishanka Tacliinta sarre oo ah isbaaradda labaad ee wixii dhaafa xafiiska xeer illaalinta loogu tallogalay inay soo reebto.

Dhinaca kale, hawsha hadda ay guda galayaan saddexda Xisbi ayaa waxa ugu horeeya oo ay kala rabeeyaan musharaxiin isku jufo hoose ah oo ay soo kala reebi kari waayeen Deegaamaddii ay kasoo jeedeen kuwaasi oo sida lanoo xaqiijiyay ay qaar qaraabo dhaw oo ilmaadeer ah ay yihiiin, taasi oo Xisiga caqabad Culus ku ah ka go’aan gaadhisteedu, islamarkaana keeni karta buuq iyo qaylo iyo waliba ismaan dhaaf adag oo gudaha Xisbiga ka dhex istaadhmi doona.

Musharaxiin badan ayaa Shalay illaa doraad Guclo orod ugu jira sidii ay u buuxin lahaayeen shuruudaha horyaala taasi oo ay ugu culus tahay dhinaca CV-ga aqoontu, waxaanay qaar ka mid ahi durba tageen Xafiiska Imtixaanaadka halkaasi oo kuwa aana Shahaadada waxbarashada haysan ay gaynayeen cudur daaro la eegi doono go’aanka ay ka qaataan Masuuliyiinta Xafiiska Imtixanaadka Qaranku.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here