Warbixin Kashiftay Dhaqaalaha Malaayiinka Dollar Ah Ee Itoobiya Ka Faa’iiddo Somaliland Iyo Baddalka Laga Naxo Ee Somaliland Ku Soo Noqda

0
488

Hargeysa, February 22, 2021- (Foore)- Xaddiga dhaqaale ee Dawladda Federaalka Itoobiya ku qabto Somaliland oo muddo badan laga hadlo iyo sida aanay Somaliland taa baddalkeeda wax la taaban karo uga dheefin xidhiidhka ganacsi ee u dhaxeeya labada dal ayaa waxa soo baxay warbixin layaab leh oo muujinaysa lacagaha Malaayiinka iyo malaayiinka dollar ah ee sannad walba Itoobiya ka faa’iido Somaliland iyo sida ay Somaliland fara madhnaan uga joogto dhinaceeda.

Khubaro dhaqaaleyahanno u badan oo reer Somaliland oo muddo ku hawlanaa cilmi baadhis ballaadhan oo ay ugu kuur galayeen Waxyaabaha Somaliland ay u dhoofiso Waddanka Itoobiya, Fursadaha ku jira iyo Caqabadaha ku gedaaman (Somaliland’s exports to Ethiopia: Challenges and Opportunities). Ayay khubaradani ku ogaadeen arrimo badan oo la xidhiidha sida dhaqaalaha waddanka Itoobiya wax badan uga faa’iido dalka Somaliland taa baddalkeedana aanay Somaliland dhinaceeda waxba ka taransan fursadaha ganacsi iyo dhaqaale eek u jira waddanka Itoobiya.

Dr. Aadan Ismaaciil (Aadan Weli) oo ka mid ahaa khubarada daraasaddaasi sameeyey ee soo gabagabeeyey ayaa qoraal kooban oo uu Bulshada kula wadaagay degelka uu ku leeyahay mareegta Facebook waxa uu ku yidhi sidan: “Maanta Waxan Soo Gababgabeeyay Cilmi Baadhis La Xidhiidha Ganacsiga Itoobiya. Marka hore waxa mahad iska leh Ilaahay SWT oo noo fududeeyay inaanu dhamaystiro hawsha Cilmi Baadhista. Marka labaad waxa mahad leh Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo hawshan noo xil saaray, waxaan kale oo aan u mahad celinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay hawshan gaar ahaan hay’adaha dawladda ee naga caawiyay dhamaystirka Cilmi Baadhista.

Cilmi Baadhistu waxay ku saabsanayd “Somaliland waxyaalaha ay u dhoofiso Itoobiya: Carqaladaha iyo Fursadaha” (Somaliland’s exports to Ethiopia: Challenges and Opportunities). Waxanu ururinay Carqalado badan oo ganacsatadeena ka hor yimaadda, gaar ahaanna ka haysta waxyaalaha ka soo soo baxa dalkeena ee ay u dhoofiyaan Itoobiya. Waxa kale oo aannu soo bandhignay Fursado badan oo ganacsi oo uga furan ganacsatadeenna dalkan balaadhan ee Itoobiya.

Waxaanu ku ogaanay Cilmi Baadhista inay Itoobiya innoo soo dhoofiso $668 oo Milyan oo Dollar, innaguna aynu u dhoofino $21 Milyan oo Dollar, marka laga saaro badeecadaha sida aan tooska ahayn loo geliyo Itoobiya ama lagu kala iibsado Wajaale. Waxaynu rajaynaynaa inay Cilmi Baadhistani ka caawiso xukuumadda jaangoynta siyaasadda ganacsi iyo iskaashi ee aynu la yeelanayno Itoobiya iyo inaynu kor u qaadno alaabta ka soo baxda dalkeenna”. Ayuu Dr. Aadan Ismaaciil (Aadan Weli) Ku Yidhi qoraalkiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here