Madaxweyne Muuse Biixi Oo Gurigiisa Ku Booqday Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Una Sii Galbiyay Madaarka

0
502

Hargeysa, February 22, 2021- (Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay Gurigiisa Ku Booqday Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Oo isla shalay Dalka Imaaraadka Carabta u Dhoofay.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu shalay booqasho ugu tagay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, iyada oo fadhi muddo kooban oo ay labada masuul isku xog waraysteen kadib Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ex. Maxamed Axmed Siilaanyo u sii galbiyay dhinaca Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu Madaarka ku sii sagootiyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo safar nasasho ah ugu baxay waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Ex. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa safarkan ku wehelinayay xubno qoyskiisa ka mid ah oo ay ka mid tahay Marwadiisa Aamina Xaaji Maxamed Jirde iyo xubno kale, waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi caafimaad iyo cimri dherer u rajeeyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here