Xildhibaan Xoog Oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ku Eedeeyey Inuu Shacabka Reer Awdal Ku Wado Xaalad Qaybi Oo Xukun Ah

0
467

Hargeysa, February 18, 2021-(Foore)- Xildhibaan Cabdiraxmaan xoog oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana kamid ah masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, ayaa Madaxweyne Biixi ku eedeeyey inuu bulshada reer Awdal uu ku waddo qorshe kale qaybi oo xukun ah,waxaanu farta ku fiiqay sida uu madaxa iskugu geliyey Siyaasiyiinta gobolkaas oo uu beelo u kale xushay iskuna dhuftay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan oo ka hadlay xaflad uu Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynayey Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha Wakiillada Somaliland Axmed Yaasiin kuu biray Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu yahay mid reer Awdal ku wadda kale qaybin“ Ninkan iminka xumeeyey ee meesha haystaa , wuxuu ku shaqeeyaa waxa la yidhaah-do qaybi oo xukun,wuxuu kale qaybiyey maalintii hore Makadoon oo wuxuu u kala saaray Makaahiil iyo Maxamed Case oo Saylici ayuu tuuray oo wuxuu la soo hadhay saajin iminkana wuxuu sameeyey Makaahiilkii ayuu kale qaybiyey illaahay ayaa mahadle mar haddii uu annaga Ba gur-guro noo soo reebay,Ba Gur-guro oo ah maskaxdii muruqii maalkii gobollada Awdal iyo Selal .”

Xildhibaan Xoog oo haddalkiisa siiwata ayaan intaas ku daray “Axmed Yaasiin UDUB ayaanu isku ahayn oo halgan adag ayaanu soo wadda galnay, marka aanu tagno Magaalada Boorame jeebkayaga wax-ba kamaanu cunni jirin , markaa anniga waa  ii farxad gaar ah  Axmed Yaasiin inuu Xisbigii WADDANI uu ku soo biiro .”  ayuu sheegay.

Dhanka kalene Xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta Xisbiga WADDANI Cabdilaahi Geeljire ayaa ugu baaqay tageerayaasha Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle inay u quus-gooyaan  ciddii  shakigu uu ka galay in aanu codkeenay Axmed Yaasiin“Waxaynu u baahanay in aynu codka illaashano, Ciddii uu shaki ka galay in aanu codkeenay Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle in aynu u caddayno oo aynu muujinaa ayeynu u baahanay,taas ayaa ballankeenu noqonayaa ,taas ayeynu ku dedaalaynaa isaga iyo kuwa kaleba .” ayuu yidhi Geeljire

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here