Xarunta Xuquuqal Insaanka HRC Oo Si Adag U Cambaaraysay Xadhiga Xukuumaddu Kula Kacday Musharraxiinta Xisbiga UCID

0
51

Hargeysa, February 18, 2021- (Foore)- Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa bannaan ee Somaliland HRC ayaa si adag u cambaaraysay xadhiga xukuumaddu kula kacday labada Musharrax ee Raage Axmed Yuusuf iyo Maxamed Axmed Jaamac Dhadoon oo u kala sharraxnaa Golaha Deegaanka iyo Wakiillada kana Sharraxnaa Gobolka Maroodi Jeex, kana sharraxnaa xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa wakhtigan ku xidhan xabsiga Mandheera.

Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa Bannaan ee HRC waxa ay walaac ka muujisay xaaladdan oo ay ku tilmaantay mid gabi ahaanba baal marsan shuruuxda qaranka oo aan loo dul qaadan Karin.

War-saxaafadeed ay ku saxeexan tahay Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ee HRC Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Foore ayaa waxa uu u dhignaa sidan: “Xarunta Xuquuqal Iinsaanku, waxay dowladda Somaliland ugu baaqaysa inay si dhaqso ah xoriyadooda ugusoo celiso, labada musharax mucaarad ee  xidhan.

On 8 February, 2021, waxay bilays ka Somalililand xidheen laba siyaasi oo ah musharixiin ka tirsan xisbiga mucaarad ka ah ee UCID.

Raage Ahmed Yuusuf iyo Maxamed Ahmed Jaamac Dhadoon, oo u kala sharaxan Golaha Wakiilalada iyo Golaha Deegaanka Hargeisa, ayaa la xidhay 8-dii Bishan February, 2021.  Xadhigooda looma marin hab sharciga waafaqsan, eheladooda ayaa Xarunta u xaqiijiyay in sababta siyaasiyiintan loo xidhay ay tahay si looga joojiyo inay isku soo sharaxaan doorashooyin ka soo socda.

Majiro danbi lagusoo eedeeyay, xadhiga labadan musharax waxa uu liddi ku yahay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka.

Sida ku cad Dastuurka Somaliland Qodobka 22 (1) “Muwaadin kastaa waxa uu xaq u lee yahay inuu ka qayb galo howlaha siyaasadeed,dhaqaale ama bulsho”.

waxa maxkamada la horkeenay 10 February iyada oo la rumaan gareyay todoba cisho, hada waxay ku xidhan yihiin xabsiga Mandheera, waana loo diiday inay ehelkoodu booqdaan ama la kulmaan.

Sidoo kale Qodobka 27 (1) ee Dastuurka “Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq uleeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qarenkiisa, qaraabadiisa ama cida kale ee uu codsado.”

Xaruntu waxa ay aad uga walaacsan tahay, habka guracan ee dowladu dadka u xidho, iyo dhowrid la aanta mabadiida sharci ee dalka.  Xaruntu waxay dowlada Somaliland ugu baaqaysa inay si dhaqso ah xorriyadooda ugusoo celiso labada siyaasi ee xidhan”. Ayaa lagu yidhi  war-saxaafadeedkan HRC soo saartay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here