Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Kasoo Horjeestay Xidhiidhada Ay Somaliland La Samaysatay Dalalka Taiwan Iyo Kenya, Farmaajana Ka Difaacay Mucaaridka Ku Kacsan

0
581

Hargeysa, February 18, 2021 (Foore) –  Prof Ismaaciil Hurre Buubaa oo katirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa  ka hadlay xidhiidhka Somaliland ee dalalka Kiiniya iyo Taywaan iyo qaab dhismeedka saddex-da Xisbi Qaran ee Somaliland oo uu sheegay inuu  qaab dhismoodkoodu lamid yahay Xisbigii Hanti wadaaga ee Maxamed Siyaad Barre, sidoo kale waxa uu difaacay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilahi Farmaajos.

Prof Ismaaciil Hurre ayaa waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland la yeellatay dalalka Kiiniya iyo Taywaan,waxaanu ku tilmaamay inuu yahay majaro habaabin, isla markaana aanay wax faa’iido ahi ugu jirin Somaliland, waxaanu sidaas ku sheegay mar uu war-baahinta kula hadlayey Magaalada Hargeysa.

Prof Buubaa ayuu haddalkiisu u dhignaa sidan:-“ Mushkiladuna waxa weeyaan axsaabta  Somaliland jirta  qaab dhismeedkoodu  waxa weeyaan qaab dhismeedkii Xisbigii Hanti wadaaga ee Maxamed Siyaad Barre,siday u shaqeeyaan waa mid  wax kasta dusha laga xukumo,kolkaa waxa loo baahan yahay axsaabtu inay qaab dhismeedkooda wax ka baddelaan, arragtidooda siyaasadeed-na hab dimuqraadiya oo tallada la wadda wadaago,dhismaha axsaabta uu noqdo mid ka wadda yimaada  qaybaha kale duwan ee waddanka , Tuulayaasha, Magaalooyinka, Xaafaddaha .”ayuu sheegay Prof Buubaa.

Dhanka kalena Prof Buubaa ayaa ka hadlay xidhiidhka Somaliland ee taywaan iyo kiiniya, waxaanu sheegay in aanay wax faa’iido ahi Somaliland ugu jirin “Taywan oo iyaduba cidhiidhi ku jirta,waxay kula qaban kartaa wey iska yartahay,arrintan Kiiniyana waxay u soo gashay waa la iska garanayaa oo waa caddaasi inay ku samayso Xukuumadda maanta jirta ee Somaaliya ayey ugu jirtaa,markaa arrinta Somaliland u baahan tahay waxa weeye wadda haddal culus oo lala gallo Somaaliya oo lixdankii labadii Dowladdood ee isku yimi maanta majaraha ummada Somaaliyeed qabsanayso ee soo socda si wanaagsan loo soo dhigo oo dadkana loo bayaamiyo, taas ayaa meesha taalla, taasna waxa aad moodaa in laga gabanayo oo arrimahan lagu gabanayo Taywan ayaa xidhiidh la yeelatay,wax allaale waxay ku keenaysaa ma jirto,quwad ku jirta shantaa quwadood ee ugu waa weyn dunnidana wey is hayaan,adiguna in aad ku milanto is qabsigaa baaxadaas leh inay qadiyadaadu dhex-gasho,annigu khatar weyn ayaan u arkaa uma arko wax faa’iido ah oo ku jira,Dowladda weyn ee Jayna doorka ay ku leedahay siyaasadda geeska afrika ,siyaasadda Bad weynta Hindiya, siyaasadda caalamiga ah, maaha mid aad iska indho tirayso oo aad maanta odhanayso waxaan doonayaa  dowladdaa qiimahaa culus leh, ayaan u ba-bac dhigayaa adiga oo meel alle meel aad haysataa aanay jirin,anniga waxay ila tahay inay tahay uun majaro habaabin ee aanay hayn siyaasad runtii laga baaraan degay,waxa weeyaan uun dadka in la habaabiyo  ayuun-baa loo wadaaye  wax allaale wax faa’iido ah oo siyaasi ah  oo kasoo bixi karaa arrintaas dhibaato mooyee annigu uma arko inay wax faa’iido ahi kasoo bixi karaan-ba.”ayuu sheegay.

Dhinaca kale waxa uu Prof. Buubaa ka difaacay madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo hanjabaadaha uga imanaya Mucaaridka ee ku aadan qabsoomidda doorashada Madaxtooyadda oo mudo dhaaftay, muran culusina ka taagan yahay “Midowga musharraxiinta qoladda isku sheegta ayaa moodaa had iyo goor in ay gorayo khaakh layn la yaable ay wadaan ay is leeyihiin waxaad ka eryi kartaan Madaxweynaha  iyo Barlamaanka ayaa meesha ka eryi kartaan,waa la baddeli karaa oo doorasho waa in ay dhacdaa, kolkaa waxay is lahayeen bisha 8 feeberweri marka ay gaadho 2021-ka  meeshii inay isku dumayso oo meesha loo banaynayo,waxa iminka u caddaatay in aanay taas suuragal ahayn.” ayuu yidhi Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo arrintaasi ka hadlayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here