Hargeysa, February 15, 2021- (Foore)- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa si adag madaxtooyada ugu eedeeyay in ay is hor taagtay xukuumaddu in maxaabiistii Mandheera loo dhaadhiciyay ay booqdaan eheladoodu isaga oo xisbiga UCID sheegay in uu walaac weyn ka qabo xaaaladda Caafimaad ee labadii Musharrax Ee xukuumaddu dhawaan xabsiga dhigtay isaga oo arrintaasi ku tilmaamay gef weyn oo dalka iyo dalka xukuumaddu ka galayso kuna tumanayso sharcigii waddanka u yaallay.
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Yuusuf Kayse oo warbaahinta shalay kula hadlay xafiiska xisbiga ayaa waxa uu yidhi: “Xisbiga Mucaaridka UCID Waxa Uu Cambaaraynayaa Talaabada Sharci Ku Tumashadda Ee Eheladda Murashaxiinta UCID Ee Xabsiga Madheera Ku Xidhan Loogu Diiday Inay Arkaan
Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee Mucaaridka ‘UCID’ waxa uu si adag u Cambaaraynayaa Falka foosha Xun ee Shalay loogu Diiday inay Xabsiga Madheera ku booqdaan Eheladii iyo Qoysadkii ay ka soo jeedeen Labada Murashax ee kala Maxamuud Axmed Jaamac iyo Raage Axmed Yuusuf oo 8dii BISHAN 2/2021 ka ay Xabsiga Madheera u u taxaabtay Xukuumadda Xisbiga Kulmiye iyada oo Dambi looga dhigay labadaasi muwaadin maxaad Xisbiga UCID iskaga Sharraxaysaan.
Xisbiga UCID waxa uu Warwar weyn ka qabaa Xaaladda Caafimaad ee Labadan Murashax ee Xukuumaddu sifaha sharci darrada ah ugu xidhan Maadaama siday Ehelada iyo Qoysaska labadan Murashax oo Xisbiga UCID la soo xidhiidhay ay noo Xaqiijiyeen markii ay Dad Waalidiinta iyo Ehelada labada muwaadin ee xidhani ka mida markii ay Shalay iyo Doraad oo ay Xabsiga Madheerra tageen loo diiday inay Arkaan Innamadooda halka ku Xidhan iyada oo lagu Wargeliyey Amar Madaxtooyadda Somaliland uga yimid Taliska Xabsiga Madheera lagu amray in aanay labadaasi Nin ee xidhan loo ogolayn Ehelkooda, Xisbiga ay ka tirsan yihiin ee UCID iyo cid kasta oo doonaysa inay arkaan aan loo ogolayn balse farriinta cidda booqanaysa labadaasi Nin loo marin karo Askarta Illaaladda Xabsiga hadba cidii shaqada u leh”.
Xoghaye Yuusuf Kayse oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Ugu dambayn Tallaabooyinka noocaasi ee Xukuumadda Somaliland ku kacayso’ ayaa ah kuwo Aan Sharciyadda qaranka Somaliland iyo Qawaaniinta kale ee dalka midna meel kaga oolin oo ah ku Takrifal Awoodeed iyo Kutimasho Sharciyadeed aan la aqbali karin uu Xisbiga Mucaaridka UCID u arko.
In Madaxtooyadda Somaliland Amarka Laga Bixiyey Loogu Diiday Inay Qoysaskii Labada Murashax ee Dowladda Somaliland Xidhay Arkaan Inamadooda Sharci darrada ku Xidhan ay Arkaan Xaaladdoodu siday tahay. Ugu Danbayn Waxaanu ugu Baaqaynaa Xukuumadda JSL in ay Joojisa Falkaa awood sheegashada ah Ee ay kula kacday Ehelada Musharaxiinta Ee Booqashada ugu Tagay,Arintani Waxay Wer wer iyo Walaac ku Keenaysaa Xisbiga iyo Ehelada Musharaxiintaba. Waxaanan Leenahay Xukuumadu ha ka Waan-towdo Talaabooyinka Sidan oo Kale ah oo Dhawaac wayn u Gaysanaysa Nidaamka Dimuqraadiga ah Ee Aynu ku Soo Caano-maalnay 30 Sanadood ee u Danbeeyay. Xoghayaha Warfaainta iyo Saxaafadda ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi.”.
Dhawaan ayay ahayd markii xukuumaddu xabsiga dhigtay Maxamuud Axmed Jaamac iyo Raage Axmed Yuusuf oo iska soo sharraxay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID iyada oo aanay illaa imika xukuumaddu si cad uga hadal arrinkan labadan musharax.