Wakhtiga La Qabanayo Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo La Iclaamiyey

0
617

Hargeysa, February 15, 2021- (Foore)-  Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI  Cismaan Afgaab Nuur ayaa shaaciyay wakhtiga shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga la qaban doono,waxaanu farriinna u diray xubnaha Golaha Dhexe,isagoo ugu baaqay inay  dhawraan wakhtiga.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI Cismaan Afgaab Nuur oo xarunta guud ee Xisbiga war-baahinta kula hadlay,ayaa shaaciyay wakhtiga shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga la qaban doono,waxaanu u dhignaa haddalkiisu sidan:-“in aanu la socod siino xubnaha golaha dhexe ee xisbiga WADDANI in shirkii golaha dhexe uu dhici doonno, 30,bisha 3,2021-ka uu ka qabsoomi doonana Magaalada Hargeysa,sidaa  dartee waxa aanu ku wargelinaynaa dhammaan xubnaha golaha dhexe in ay ilaaliyaan wakhtiga haddii ay joogaan guddaha  iyo haddii ay joogaan debadaba, in ay dhawraan wakhtiga oo  ku astaysan March,30,2021-ka, goobta uu dhirku ka dhacayaana waa Magaalada Hargeysa, “

Guddoomiye Afgaab ayaa inaas ku daray “Sidaa dartee inuu kaadh baddelkii oo qof kasta oo golaha dhexe ahi kaadhii xubin-nimada golaha dhexe ayuu haystaa,mudda’ada kaadhka loogu beddelayaa waxay ka bilaabmaysaa 17-ka bishan Feberweri  2021-ka ilaa iyo 20-ka bisha soo socota ee March ayaa kaadh baddelku uu noqon doonnaa muddo kooban waa lagu baddeli doonaa ,markaa qof kastaa kaadhkii hore ha u soo qaato hana ka baddesho xafiiska loo diyaariyey inay kaadhka ka baddeshaan, sidaa  dartee waxa aanu ku wargelinaynaa dhammaan xubnaha golaha dhexe in ay ilaaliyaan wakhtiga haddii ay joogaan guddaha  iyo haddii ay joogaan debadaba, in ay dhawraan wakhtiga oo  ku astaysan March,30,2021-ka, goobta uu dhirku ka dhacayaana waa Magaalada Hargeysa, “Ayuu sheegay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here