Hargeysa, February 15, 2021 (Foore) – Wararka Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in hirdan Culus ka taagan yahay Cidda noqonaysa Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda kadib doorashada Fooda inagu soo haysa, iyadoo illaa hadda si weyn loo arko shaqsiyaad ay durba soo xuleen Xisbiyada qaar kuwaasi oo ay u sii asdeeyeen inuu kursigaasi ku fadhiisto ama u tartamo.
Wararkan ayaa sheegaya in Markii hore Xisbiga Kulmiye uu u sii xushay inuu Kursigaasi uga tartamo Maamulaha Shirkadda shidaalka dalka keenta ee Hass-Petroleum oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Ibrahim Mohamed “Attash”,kaasi oo sida warkan aanu ku helnay uu Xisbiga Kulmiye uu masuulkan ku dhiirigaliyay wakhtigii Diwaangalintan dambe la sameeyay inuu xilkaasi u tartami doono balse hadda warkaasi uu is badelay.
Wararkan ayaa intaasi ku daraya in Xisbiga Kulmiye haddana masuulkaasi hore uu kadaba keenay masuul kale oo ay u carab laadlaadiyeen,Waa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda Yaasiin Xaji Maxamuud Fartoon, kaasi oo Shalay uun iclaamiyay inuu ka mid noqday Murashaxiinta u tartamaya Golaha Wakiiladda Somaliland ee doorkan. Wararkan ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu isku dayday inay labadan masuul oo isku deegaan kasoo wada jeeda oo uu labadaba uu Xisbiga Kulmiye u carab laadlaadiyay ay heshiisiin ku dayaan, balse uu warkaasi ka suuli waayay dhinaca Maamulaha Shirkadda Hass petroleum kaasi oo meel adag ka istaagay inuu tanaasul sameeyo,lamana oga halka ay arintoodu iskugu biyo shubatay balse waxa uu Wasiirka Warfaafintu uu shalay Sheegay in Faratoon noqon doono Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland doorashada kadib, lamana garanayo sida uu ku noqonayo.
Dhinaca kale Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in dhinaca Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI uu isna dhinaciisa loolanka loogu jiro Shir Gudoonka Wakiiladda uu sii diyaarsaday, waxaanay wararku sheegayaan inuu Xisbigaasi miiska sii saaray inuu Kursiga Gudoomiyaha Wakiilada ugu tartami doono Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Xukuumaddii hore Cabdirisaq Khaliif, kaasi oo hadda ka mid ah Masuuliyiinta sare ee Xisbiga WADDANI, sidoo kalena u taagan tartanka Doorashada Wakiiladda ee Doorkan.
Dhamaan Masuuliyiinta ay Xisbiyadani diyaarsadeen ayaa isku deegaan kasoo wada jeeda waxaanay sidoo kale ay isku hayb wada yihiin Gudoomiyaha Hadda Xilka haya Baashe Maxamed Faarax.