Wefti Uu Safiirka Igiriisku Hoggaaminayo Oo U Imanaya Dalka Xadhiga Labada Musharrax Ee UCID Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Ergo Mujaahidiin Ah U Diray Madaxweyne Biixi

0
566

Hargeysa, February 11, 2021-(Foore)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi  in badan uu ka meer-meeray, balse uu hadda Xisbigiisii UCID kusoo farageliyey, isla markaana uu xabsiga dhigay laba kamid ah Musharraxiinta iska sharraxay Xisbiga UCID, waxaanu sheegay Faysal inuu ergo ahaan ugu tegay xigtadda Madaxweynaha, hasayeeshee ay  u sheegeen in aanay wada hadal, taas oo keentay inuu hadda ergo ahaan ugu diro Madaxweynaha xubno Mujaahidiin ah oo uu hoggaaminayo Ibhaarim Dhagoweyne.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa xadhiga labada Musharrax ee ka sharraxan Xisbiga UCID ay Xukuumaddu kula kacday ku tilmaamay inuu yahay sharci darro ,waxaanu haddalkiisu u dhignaa sidan:“Wuxuu xidhay laba nin oo musharaxiin ah,sharci lagu xidhaana ma jiro,ummaddu haddii ay sharci ku kale bixi weydo wey isku qasmaysaa, marka qofka la afgaran waayo tii Somaalida ayaa loola tegi jiray oo waxa la odhan jiray waar ninku waa idinkee reer hebelo naga soo qabta, laakiin abtiyaashay waxay yidhaah-deen ninka ma wadda haddalno,markaa waxa noo bannaan garan mayno Mujaahidiinta ayaanu diraynaa ibraahinow “ Dhegaweyne” is urursada u tagga Madaxweyne Muuse , haddii aad soo dayn weydaan anna waxa noo furan in aanu mudaharaado samayno.”

Dhanka Kale Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu dalka u imanayo xadhiga musharraxiintaa Safiirka dalka UK  “ Ha innagu ceebaynin meesha Laba inan  midi waa British waxa uu sitaa ingiriis maanta ayuu imanayaa safiirkii ka wakiil ka ahaa, ha innaga xumaynina siyaasadda 11 caaqil ayaa u saxeexay ninka Musharraxnimadiisa, waxa la igu yidhi  inankaa Ragge Aabihii Axmed Yuusuf “AHUN” Muuse ayuu ku dhaaran jiray waata aan Muuse waayaa ayuu ku dhaaran jiray,dadkii Muuse cabsanaa ayuu ahaa,horta abaal daradaas ayaa dhacday.”ayuu yidhi  Faysal.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka a ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku hanjabay inuu iska celinayo Madaxweyne Biixi,haddii uu ka deyn waayo quja-qujaynta“Annigu waxa aan is lahaa Muuse kale dambi la’aada iminkana na kale meer-meeriya walaalayaal walaahi waa iga dar-daaran,abtiyaal na kale meer-meeriya, shibta ayaan iska galay wuxuu doonno ayaan u sii daynay,wakaa shalay agaasimihii guud ee komishanka doorashooyinka baddelay oo aanu xaq u lahayn, waanu iska aamusnay,waa nagaa Riyo-raac ka ogolaanay waanu iska aamusnay, haddana haddii uu igu yimaado guriga, iminka  gurigay-guu  soo galoo Xisbigii ayuu soo galay, waan iska celinayaan hadhow uun ha odhanina Faysalow joog.”ayuu yidhi Faysal

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here