Hargeysa, February 11, 2021-(Foore)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa ka hadlay Markab dhawaan ka qaaday Xoolo dekadda Berbera, kaas oo siday 17 kun oo neef balse waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay dalka dib ugu soo celiyeen kadib markii ay diideen in ay ka dejiyaan iyaga oo sheegay in xoolahaasi qaban cudurro.
Wasiir Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in Xoolahaas la soo celiyey lagu soo celiyey wax aan macno lahayn, kuwaas oo uu sheegay inay furuuruc yar afka ku leeyihiin qaarkood, waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan:-“Dhawr markab ayaa baxay, dhawrkaa Markab mid kamid ah ayaa la soo celiyey, haddii la soo celiyeyna annaguna dedaalkii ugu badnaa ayaanu ka galnay caafimaadka iyo shuruudaha uu sucuudigu ku xidhay Xoolaha dhammaan waanu u dhammaystirnay Maxjaraddana waan ku kaantarool-naa dhakhtarrada.
Wasaaradda xannaanada xooluhu wey ka shaqeeyeen,wax-yaabo badan oo dheeraad ah ayaanu samaynay, wax caado ahaan jirin ayaanu iminka bilownay oo ah, Markab walba in aanu dhakhtar saarno iyo daawooyin, si uu dhakhtarkaasi uu uga soo waramo xaalada xoolaha inta ay badda ku jiraan, illaa maalinta la dejinayo uu goob-joog ka noqdo haddii ay timaaddo asbaab wax lagu soo celiyo ama wax lagu qabto inuu isagu goob-joog nooga noqdo.” Ayuu yidhi Wasiir Siciid Sulub Maxamed isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: “Markaa waxa dhacday inta badan in aan wax aan macno lahayn lagu soo celiyo xoolaha, xanuuno yar yar oo furuuruc jidhkooda lagu arkay mid afka lagu arkay iyo mar ay yidhaah-daan dhiigga ayaanu wax ka helnay, markaa waanu la soconaa xaaladda xoolaha.” Ayuu yidhi
Dhanka Kalena Wasiir Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay inay shuruudo ku xidheen ganacsatada xoolaha dhoofisa “Markan dambe ee Xoolaha la furay guddidi Adhiilayaasha ee xoolo dhoofinta waanu wada haddalnay,11-shuruudood ayaanu ku xidhnay oo 11-kaa shuruudood-ba saamaxayaan in aan xoolaheenna la soo celin, laakiin waxa jirta dano badan oo isku dhex-jira oo ay kamid tahay Maraakiibta iyo dadka kiraynaya, Maxjaradda iyo dadka leh xoolaha iyo dhoofin tooda. Markaa xoolo dhoofiskuna waa laba waa mid la inaga soo dalbado oo lacagtiisa la inoo soo dirro, iyo mid dadkeenu ay lacagta gashadaan ama amaah-daan,markaa waxa aanu labada qoloba uga digaynaa in ay shuruudahaa xoolaha lagu dhoofinayo ay buuxiyaan ayaanu digniin ku siinaynaa.”ayuu yidhi
Sidoo Kalena Wasiir Sulub ayaa digniin u diraya Maraakiibta Xoolaha qaada iyo Macjaradda lagu daaweeyo xoolaha “Qolooyinka Maraakiibta iyo Macjaraddana horena waanu uga dignay haddana waanu uga digaynaa culays ayaanu saaraynaa wixii dambe in aan xoolo ka bixin dekadda aan shuruudihii looga baahna oo dhan buuxin .”ayuu yidhi
Gunaanadkii Wasiir Siciid Sulub ayaa ugu bushaareeyey shacabka reer Somaliland in la furay Dekaddii Jeesaan,taas oo ahayd suuqa ugu weyn ee Xoolaha Somaliland “Waxaanu ugu bushaaraynaa shacabka reer Somaliland in dekad ka dhaw la inoo furay oo ah dekaddii aynu isticmaali jirnay ee Jeesaan oo dhibtii dhawrka cisho ee xooluhu badda kusii jiraan ka yar oo meel inagu dhaw ah,markaa dekaddii Jeesaan ay inoo furan tahay oo xoolaheena halkaa ku diri doonno.” ayuu yidhi Wasiir Siciid Sulub Maxamed oo hadlay.