Basaas hore oo ka tirsanaa hay’addii sirdoonka waddanka Ruushka ee KGB ayaa sheegay in hay’addoodu wakhti ay hawl galisay Madaxweynihii dhawaan talada dalka Maraykanka lagaga guulaystay muddo xileedkiisii labaad Donald Trump. Haa tani waa macluumaad qarsoodi ah oo imika uun soo shaac baxda, waanan hubaa in daawade aad la yaabi doonto.
Wargeyska caanka ah ee The Guardian waxa uu sheega in Donald Trump loo koriyey sidii hanti Ruush ah oo kale muddo 40 sano ah wuxuuna cadeeyay inuu diyaar u yahay inuu xog ka keeno dacaayadaha ka dhanka ah reer galbeedka gaar ahaan wakhtiyada dabaal-degyadu ka dhacayaan caasimadda Midawga Soofiyeeti ee Moscow. Waxaana sidaasi The Guardian u sheegay basaas hore oo KGB ka tirsanaa oo lagu magacaabo Yuri Shvets.
Basaas Yuri waxa uu wargeyska The Guardian dhawaan siiyay waraysi gaar ah oo uu arrinkan sirta ah ku qarxiyay waxaanu u sheegay in Midawga Soofiyeeti horraantii sannadihii Toddobaatanaadkii iyo sideetamaadkii uu hawl galiyey Donald Trump oo ahaa nin dhallinyaranimadisii ku soo kacaamay deegaan ganacsi balse wax ka qabtay sidii uu xogo u siin lahaa KGB oo ahayd hay’addii sirdoonka Ruushka ee KGB, muddodii uu socday dagaalkii qaboobaa.
Wargeyska The Guardian waxa uu yidhi: “Yuri Shvets Hadda waa 67-jir, waa il muhiim u ah Kompromat American oo ah buug cusub oo uu qoray weriye Craig Unger, oo shaqooyinkiisii hore ay ka mid ahaayeen nin shaqaale ah oo ka hawl gala Aqalka Trump iyo waliba mar dambe oo uu shaqaale ka noqday Aqalka Putin. Buuggu waxa kale oo uu baadhayaa xidhiidhkii madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump iyo maal-qabeenkii la ceebeeyay ee Jeffrey Epstein.
Basaas hore oo hawlgab ah Yuri Shvets oo Isniintii toddobaadkii hore isaga oo jooga gurigiisa ku yaal Virginia ugu warramay wargeyska The Guardian khadka taleefanku waxa uu sheegay xaqiiqanimada in wakhti hore Donald Trump uu siyaalo kala duwan oo toos iyo dadbanba ah ula shaqeeyey Sirdoonkii Ruushka.
“Tani waxay tusaale u tahay in dadka la qoro markii ay ardayda ahaayeen oo kaliya kadibna ay u gudbeen xilal muhiim ah; wax sidan oo kale ah Donald Trump oo isaga oo yar ay KGB qoratay kadibna ku weynaaday markii dambe isaga oo Madaxweyne Maraykan noqday.
Wariye Unger wuxuu sharraxayaa sida Donald Trump markii ugu horreysay uga soo muuqday raadaar-ka Ruushka sannadkii 1977-kii markii uu guursaday xaaskiisii ugu horreysay, Ivana Zelnickova, oo ahayd haweenay u dhalatay waddanka Jamhuuriyada Czech. Donald Trump wuxuu noqday bartilmaameedka hawlgal basaasnimo oo ay dusha kala socdeen laanta sirdoonka Czechoslovakia oo kaashanaysa KGB. Czechoslovakia kadib burburkii midawga soofiyeeti waxa ay u kala go’aysaa labada dawladood ee Czech Republic iyo Slovakia.
Saddex sano kadib Donald Trump wuxuu furay oo xadhiga ka jaray dhismihiisii ugu horreeyay ee weyn, waa hudheelka weyn ee Grand Hyatt New York ee ku dhow xarunta Grand Central.
Donald Trump wuxuu Qalab elektaroonig ah ka iibsaday xarunta Semyon Kislin, oo ah Soviet émigré isla markaana waxa uu la wadaagi jiray qalabka elektarooniga ah ee ay soo saaraan Joy-Lud Fifth Avenue.
Sida uu basaaskan Yuri Shvets u sheegay wargeyska The Guardian, Joy-Lud Fifth Avenue waxaa xukumayay Hay’adda sirdoonka Ruushka ee KGB iyo Kislin waxaanay u shaqeynaysay sidii waxa loogu yeedho “wakiilka goobjoogaha”, shirkaddaasi oo Trump u aqoonsanayd basaas Ruushka muhiim u ah gaar ahaan xogta ganacsiga, dhaqaalaha iyo waliba saraakiisha ka ag dhaw dawladda Maraykan oo uu xog ka keeni jiray.
Shirkadaha Ruushka ee waliba ku shaqeeya Tiknoolajiyadu gaar ahaan kuwa xidhiidhka hoose la lahaa sirdoonka Ruushka ee KGB waxa ay sannadahaasi toddobaatanaadkii illlaa sideetamaadkii Donald Trump u arkayeen nin ganacsade ah oo soo koraya oo muhiim u ah Ruushka.
Kadib, sannadkii 1987, Donald Trump iyo Ivana waxay booqdeen Magalooyinka Moscow iyo St Petersburg markii ugu horeysay. Basaaskan Yuri Shvets wuxuu yidhi KGB way carbiyeen Donald Trump waxaanay u haysteen in uu u yahay adeege xog muhiim ah siiya waxaana amaaney howl wadeennada KGB, kuwaasi oo mar walba ku dadaali jiray in aanu Trump siyaasadda Maraykanka galin balse ugu dambayn waakii Madaxweyne dalkaasi Maraykanka ka noqday sannadkii 2016.
Yuru Shvets oo arrimahan ka hadlayaa waxa uu u sheegay The Guardian sidan: “Waxaan xasuustaa in hay’adda sirdoonka midawga soofiyeeti ee KGB ay si weyn ugu xidhnayd Trump, wuxuu u ahaa nin soo jiidasho leh oo ay aad ula dhacsanaayeen adeegga uu u qaban jiray. Waxay uruuriyeen macluumaad badan oo ku saabsan shakhsiyaddiisa si ay u ogaadaan qofka uu isagu yahay shaqsiyan. Dareenku wuxuu ahaa inuu si aad ah ugu nugul yahay caqli ahaan, iyo maskax ahaanba, waxaanay warbixinno sir ah oo ay iyagu isu gudbiyeen ku sheegeen in u yahay shakhsiyad u nugul sasabashada iyo in la sabaaleeyo. Tani waa waxa ay ka faa’iideysteen. Markii dambe waxa ay sirdoonka Ruushku isla garteen in ay baddalaan aragtidii hore ee ahayd in ay ka daayaan in ay ku taageeraan in uu siyaasadda galo balse markii dambe waxa ay isla qaateen in haddii uu siyaasadda galona uu anfici doono. Waxay u ciyaareen sidii iyagoo aad ula dhacsan shakhsiyadiisa waxayna rumeysan yihiin inuu yahay ninka ay tahay inuu noqdo madaxweynaha Mareykanka maalin maalmaha ka mid ah. “Waa dadka isaga oo kale ah oo dunida beddeli kara ayaa warbixin lagu seegay siddeetamaadkii. Tallaabooyinka firfircoon ee Trump ee wakhtigaasi waxa ay guul weyn u ahayd KGB. Mana aha wax cusub oo aan imika idiin sheegayo ee waxay ahayd wax cid walba ogayd wakhtigiisii waa haddii aad tahay in uun qof baadhitaan ku sameeya arrimaha sirdoon ee Maryakanka iyo Ruushka. ” ayuu yidhi sarkaal hore oo sirdoon Yuri Shvets waxaanu intaasi ku daray:
“Wax yar ka dib markii uu ku soo laabtay Mareykanka, Donald Trump wuxuu bilaabay sahaminta olalaha loogu jiro magacaabista Jamhuuriga ee madaxweynenimada xitaa wuxuu xaflado olole ah ku qabtay Portsmouth, New Hampshire. 1dii Sebtembar, wuxuu wargeyska New York Timse ku soo saaray Bogga koowaad isaga oo xayaysiis ahaan u kiraystay, sidaa si la mid ah Washington Post iyo Boston Globe. Waxa uu Washington Post siiyay waraysi dheer oo ciwaan looga dhigay “Ma jiraan wax Dhibaato ah oo ka taagan Siyaasadda Dibadda iyo Difaaca ee Mareykanka. Waxaan odhan karaa ma ilaalin karo Dalkan Maraykanka qof aan laf-dhabar weyn lahayni” hadalkaasi oo u muuqday wakhtigaa mid sarbeeb ah oo uu ku durayay xisbiga kale ee Dimuquraadiga oo uu ku eedaynayay in aanu lahayn awoodd weyn oo uu Maraykanka ku ilaaliyo.
Xayeysiinta iyo hadallada uu wakhtigaasi warbaahinta siiyay ee uu ku soo bandhigay waxa kale oo uu ku dhaliilay Madaxweynihii wakhtigaasi talada dalka Maraykanka hayay Ronald Reagan waa wakhtigii dagaalkii qaboobaa cirka marayay, madaxweynahaasi Reagn ayaa ka soo jeeday isna xisbiga Jamhuuriga”.
Intaasi markii uu ka warramay basaas hore oo KGB ka tirsanaa Yuri Shvets waxa uu sheegay in wakhtigaasi KGB ay doonayeen in Trump siyaasadda galo in uu isagu Dhowr maalmood ka dib uu ku soo laabtay gurigiisa isaga oo muddo ku sugnaa xarunta dhexe ee agaasinka guud ee KGB ee Yasenevo.
Basaas hore Yuri Shvets waxa uu waraysigan oo dheeraan nuxurkiisa ku soo gunaanadayaa sidan:
“Muddo dheer oo aan ka tirsanaa laanta dibadda ee Hay’adda sirdoonka Midawga Soofiyeeti oo aan gaar ahaan hawlaha ugu badan soo qabtay sanandihii Toddobaatanaadkii illaa Siddeetameeyihiin waxaan ku sugnaa Ruushka. Waxaaanan markii dambe ee aan hawlgabka noqday ku qaatay dalal badan oo dhawr ah. Waligay ismaan lahayn Trump ayaa Madaxweyne ka noqon waddanka Maraykanka illaa aan arkay oo aan u soo taagnaa isaga oo Madaxweyne ah. Nin aad u hasatay qof liita oo cajab galiyay reer Galbeedku waa nacasnimo ma odhan karnaa. Haddii aad ila qabto HAA dheh haddii kale waan ku kala fikrad duwannahay”. Ayuu yidhi Basaas hore Yuri
Daawadayaal Guushii doorashada Donald Trump ee sannadkii 2016 waxaa markale soo dhoweeyay Moscow. Lataliyaha gaarka ah Robert Mueller ma aanu abuurin shirqool u dhexeeya xubnaha ololaha Trump iyo Ruushka. Laakiin Hindisaha Xarunta Sanduuqa Horumarinta Mareykanka ayaa helay in ololaha Trump iyo koox Ruush ah ayaa la sheegay in ay yeesheen ama lahaayeen wakhtigaasi ugu yaraan 272 xidhiidh oo ay sameeyeen iyo ugu yaraan 38 kulan oo la yaqaan oo lala yeesho hawlwadeennada ku xiran Ruushka.
Dhinaca kale Unger, oo ah qoraaga toddobo buug, horena u ahaa tafatiraha wax ku oolka ah ee majaladda Vanity Fair, ayaa mar uu ka hadlayay Trump waxa uu yidhi: “Wuxuu ahaa hanti. Ma lahayn qorshahan weyn oo uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu fekerayay. Waqtiga uu bilaabmay xidhiidhka Ruushka iyo Trump oo ahayd Toddobaatanaadkii qarnigii tagay waxa ay ahayd qiso qarsoonayd oo aan wali illaa imika si weyn Maraykanka loogu soo ban dhigin. Balse waxaan ogahay oo rumaysanahay in ay sirdoonka Maraykanku ogaayeen ee ay u badheedheen in ay Maraykanka u qariyaan in Isaga oo kale Madaxweyne Noqdo”.