“Kulmiye Dib U Dhis Buu U Baahan Yahay”..Siyaasi Muxumed Aw Cabdi

0
608

Hargeysa, February 8, 2021- (Foore) – Gudoomiyihii hore Ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Mudane Muxumed Awcabdi Ismaaciil ayaa talo dhaxalgal ah oo lexejeclo kujirto u jeediya Madaxweyne Biixi, waxa uu usoo jeediyay inuu Madaxweynuhu wax ka qabto cabashada ku qotonta balanqaadkii uu sameeyay Wakhtigii Ololaha oo uu Muxumed ka mid ahaa Raggii horseedka u ahaa Guushii Xisbiga Kulmiye Mar kale hantay, waxa kale oo uu usoo jeediyay in dib u xisbiyayn lagu sameeyo Kulmiye oo cabashada jirta wax laga qabto.

Muxumed Awcabdi oo ka mid ah masuuliyiinta Muxtarimka ah ee dalkan Xoog iyo Cilmiba soo galiyay kana mid ahaa raggii Marxuum Cigaal Dawladnimada Somaliland la dhidbay ee la aasaasay ayaa taladan ka jeediyay Waraysi khaas ah oo uu siiyay Wariye Badri Koosaar oo ka hawlgala Tv-ga SAHAN, waxana uu yidhi “Kulmiye laba jeer ayuu ku guulaystay Xilka Qaranka, Mar Madaxweyne Siilaanyo ayaa ahaa Madaxweyne Qaran, Imikana Muuse Biixi ayaa joogga, Sooyaal ayay iska soo ahayd, Deegaan ahaan Dawladdii Axmed Siilaanyo ka madaxda ahaa, tii oo Qiimayntii iyo Dhaqaale ahaato ama arin ahaatee ku xisaabtamaya, deegaan ahaan wixii ka mudnaa ayuu ka helay Barigaas, Dawladda Muuse ka madaxda yahay runtii Tacabkii Dawladdii hore la galiyay tu ka faro badan ayaanu deegaan ahaan aanu galinay, haddii ay dhaqaale tahay iyo haddii ay talo tahayba, sidoo kale Dawladdihii soo maray illaa dawladdii Riyaale, Deegaan aan marnaba ka maqnaan jirin ayuu ahaa, siiba Golaha Wasiiradda iyo Hay’addaha Dawladda, Waxaan u arkaa, sidaanu filaynay kalamaan kulmin Dawladda Muuse Biixi”.

Waxa kale oo uu yidhi “Anigoo Golaha dhexe ka mid ah, oo Xisbiga Kulmiye Xisbigaygii yahay, lexejeclo badaninna igaga jirto, waxaad moodaa in kaalintii muuqaalkiisa ee Xisbinimo lafteedu, waxaad moodaa inay mar marka ka dambaysa ay u baahan tahay in dib u habayn iyo shacbiyaddii oo lasoo kiciyo, iyo dadkii oo dib looga soo dhiso Xisbinimadii, ayay u baahan tahay markaan talo ahaan, anigoon ku hadlayn af mucaarid, Cabashona aanay iga ahayn”.

Sidoo kale waxa uu yidhi“Guushii KULMIYE markii aanu soo saxeexnay anniga iyo Xasan Gaafaadhi ee aanu wareejinay ayaa igu dambaysay, markaa Madaxweynaha amah aka ahaato hawl baddan oo qaran iyo culays baddani ha saarnaado,ama siyaabo baddani ha u dhaceen anna aad uma aan doonnin oo uma aan raadin, lakiin waxa aan si lahaa baahi cid loo tilmaamo maaha Xisbiga wey muuqataa degaanka ahaan wey muuqataa ,haddii meeshii garasho iman weydo oo xisbigiina baylahadiisii la oggaan waayo, maxaa ka xun, maxaa ka haggaagsan, siduu yahay maxaa la dhaliilayaa,degaankiina uu muuqdo Madaxweyne debad ka yimina aanu ahayn ee waayo arrag ah dadka ku dhex jiray, dal iyo dad-ba  garanaya hebelka halkaas qiiman kara weeye, markaa gacma hoorsi anna sharaftayda maaha  garasho ayaa meesha looga baahnaa taydu micno ma leh iyo degaanku  lakiin Xisbigii KULMIYE waxa aad moddaa in laga dareerayo waanad arkaysaa Xisbiyadda kale sida loogu ururarayo iminka .” ayuu sheegay

Isagoo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi “Annigu anniga oo Muxumed Awd Cabdi ah nafahayga wax-ba uma doonnayo, haddii aan sida wax loo doonno u doonni lahaa waan heli lahaa,maalintii aan Madaxweyneha ku wareejiyey natiijadii doorashada albaab uu leeyahay maan tegin,maantana laba sanno ayaa hadhay kaanbayn iyo hawl ayuun-baa la gelayaa,anniga maanta in xil la iigu yeedho diyaar uma ihi ,wakhtiyadda qaar xilal la ii magacaabay oo aan ka cudur daartayna wey jireen.”ayuu sheegay Muxumed Aw Cabdi.

Ugu dambayn waxa uu yidhi “Waxa aan u dirayaa waxa weeye Xisbigana talladiisa maddaama oo uu Xisbi Taariikh leh uu yahay, dad yow baddan ayaa ehel u ahaa Xisbiga oo tiirar ayuu lahaa degaano  ayuu ka tirsanaa,markaa cabashooyin baddan ayaa kasoo yeedhaya,markii hawsha lagu jiray kaanbaynka annigu raggii ugu dhawaa ayaan ahaa ee komishanka iyo kaanbaynkaba,markaa kaanbaynkii aan shalay ku jiray marka cabashadiisa la iila yimaado ee la yidhaah shalay waadigii  xaggan u socdayey odaynimadadii meeday,cabashooyinka noocaas ah ayaa noogu baddan ee mid aan annigu cabanayo maaha bari iyo galbeed kaanbeynka ayaan ku jirnay,waxaan u dirayaa qaranka alle hakugu asturo ee Xisbigii iyo deegaankii iyo cidii u ahayd tiirarkana in dib u eegis lagu sameeyo ayaan u dirayaa Madaxweynaha “.

Dhinaca kale Siyaasi Muxumed Awcabdi waxa uu saamayn xoogan ku leeyahay Deegaanka uu kasoo jeedo, waanna Shaqsiga ku suntan Aasaasintinkii iyo samayntii Degmonimadda Allaybaday ee uu kasoo jeedo. Waxa uu muddo dheer ka mid ahaa Golaha Baarlamaankii u horeeyay ee Somaliland yeelatay, waxaanu kasoo qayb qaaatay dhismihii iyo Aasaaskii Dawladnimada Somaliland isagoo lagu yiqiinay shaqsi feedhku u duuban yahay oo mar walba af iyo adinba kaga hor tagi jiray wax kasta oo hagardaamo ku ah aasaasintaankii Qaranimadda Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here