Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Wakiilka Xoghayaha Guud Ee Soomaaliya Iyo Safiir Norway Ka Socda

0
463

Hargeysa, February 4, 2021- (Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay qasriga Madaxtooyada ku  qaabilay wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador James Swan iyo wefti uu hoggaaminayo halka uu sidoo kale isla shalay qaabilay safiir-ku-xigeenka Norway u fadhiya magaalada Nairobi Ambassador Stian Christensen.

Kulanka wakiilka qaramad, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin nidaamka wada-shaqaynta Jamhuuriyadda  Somaliland iyo qaramada midoobay, qorsheyaasha iyo barnaamujyada hay’adaha qaramada Midoobay salka u noqon doona.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaramada midoobay waxa ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkii iyo kulamadii ay uga wada xaajoonayeen arrimaha wada-shaqaynta hay’adaha qaramada midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale, waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo taageerada qaramada midoobay ka gaysan karto.

Dhinaciisa, ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay waxa uu ku bogaadiyey xukuumadda, Axsaabta qaranka, Komishanka doorashooyinka qaranka iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland sida ay diyaarka ugu yihiin, uguna midaysan yihiin qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka.

Ugu dambayn, waxa kulankaas diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo horumarka mandaqadda geeska Afrika iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jirto Jamhuuriyadda Somaliland.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay waxa wehelinayey madaxda hay’adaha qaramada midoobay ee WFP, UN Women, UNHCR iyo masuuliyiin kale oo katirsan xafiisyada qaramada midoobay ee Somaliland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu isla shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay safiir-ku-xigeenka Norway u fadhiya magaalada Nairobi Amb. Stian Christensen oo uu wehelinayo  ergeyga gaarka ah ee Norway u qaabilsan dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Theidi Johansen.

Kulankan, ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga horumarka iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo kaalinta uu dalka Norway ka qaadan karo, waxana ay Jamhuuriyadda Somaliland soo dhaweysay in Norway kaalin ka qaadato wada-hadallada  iyo kala gurashada labada dal, maaddama waddanka Norway yahay dal dhexdhexaad ah, islamarkaana leh waayo-aragnimo dheer oo ku saabsan xallinta khilaafaadka iyo nabadda adduunka. Ugu dambayn, waxa uu kulankaasi kusoo dhammaaday is af-garad buuxa iyo guul.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here