Hargeysa, February 4, 2021-(Foore)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay Go’aankii Golaha guurtida Somaliland ee qabsoomida doorashooyinka isku lamaan ee degaanka iyo Wakiillada iyo xeerka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku soo saaray ee uu ku cayimay maalinta ay doorashooyinkaas qabsoomayaan.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal ayaa waxa kamid ahaa haddaladiisii kuwan: “Waxaynu doonnaynaa Dowlad waddankeena nidaamkiisa oo dhan in aan isbaddel weyn ku samayno ayaanu doonaynaa dad xil kas ah oo illaahay ka baqaya in aanu soo saarno ayaanu doonnaynaa .”ayuu sheegay Faysal
Geesta Kalena Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa hambalyeeyey muddanayaasha Golaha Guurtida go’aankii ay toddobaadkan qateen ee qabsoomida doorashooyinka isku sidkan,balse wuxuu sheegay in aanay isku wacnayn isaga iyo golaha odayaasha Somaliland “Waxaan Hambalyeynayaan Guurtida annagu iskumaani fiicnayn illaahay ayaa khayrkii waafajiyey,waanu u ducaynaynaa.”ayuu sheegay guddoomiye Faysal
Sidoo kale Guddoomiye Faysal Cali Xuseen ayaa soo dhaweeyey go’aanka Madaxweynaha Somaliland ee cayimaada maalinta ay dalka ka dhacayaan doorashooyinka Golayaasha degaanka iyo Wakiillada oo ah maalin isniin ah bisha May 31,2021-ka ,balse waxa uu sheegay in aanay isaga iyo Madaxweynuhu isku fiicnayn“Madaxweynahana iskumaanu fiicnayn lakiin isna maanta wuu sii daayey,Lacagtiina wuu bixiyey waanu u ducaynaynaa isna,illaahay khayrkiisa ha ina siiyo oo sharkiisa ha innaga hayee .”
Gunaanadkii Guddoomiye Faysal ayaa ka hadlay doorashooyinka fooda inagu soo haya“Waxa inoo dhici doonta doorasho wanaagsan illaahay waxaan ka baryayaa rag iyo dumar wanaagsan inuu inoo soo saaro,waxa oo dhammi waxay ku xidhan yihiin inaga oo isku niyad wanaagsanaana.”