Guddoomiye Cirro Oo Haygiisa Ku Booqday Suldaanka Guud Ee Beelaha Arab Oo Xanuunsanaya

0
643

Hargeysa, February 4, 2021-(Foore)- Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo qaar kamid ah masuuliyiin Xisbigaas ayaa xalay caweyskii hawgiisa ku bookhday Suldaanka guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku xanuunsanay Magaalada Hargeysa, isla markaana maaml-maha soo socad xaalad caafimaad ugu baxay dalka Turkiga.

Ugu horrayn qoyska Suldaan Cumar ayaa uga mahad-celiyey Guddoomiye Cirro bookhashadiisa,iyagoo si koobana uga xog-warramay xaaladda Suldaanka,waxaana kamid ahaa haddaladiisii mid kamid ah qoyska Suldaanka kuwan “Qoys ahaan waxa ixtiraam iyo tixgelin weyn noo ah in guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro  iyo weftiga culus ee la socdaa ay maanta soo bookhdeen hawga Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax  oo runtii muddooyinkii ugu dambeeyey ku xanuunsanayey Magaalada Hargeysa iminkana xaalad caafimaad ugu baxaya dalka Turkiga ,waxaanu u arkaynaa qiimayn iyo masuuliyad runtii in la soo bookhdo oo la tebo oo xaaladiisa caafimaad wax laga oggaado ,qoys ahaan aad ayaan u faraxsanay Guddoomiye soo dhawow hawga Suldaan Cumar kusoo dhawow,waanad ku mahadsantaybookhashadaada,Suldaanka Caafimaadkiisu aad iyo u wacanyahay waxaanan rajaynaynaa inuu dhawaan maal-maha soo socda uu turkiga caafimaad ugu baxo inaynu u ducayno ayuu innaga muddan yahay.” Ayuu yidhi kamid ah qoyska Suldaan Cumar.

Dhanka kalene Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa Suldaanka u duceeyey,waxaanu illaahay u weydiiyey inuu caafimaad deg deg ah uu siiyo,isagoo sheegay inuu ugu yimi keliya inuu soo bookhdo oo uu soo duceeyo Suldaan Cumar “Waxaanu ku soo bookhanay hawgiisa Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax  oo kamid ah salaadiinta ugu faca weyn ee reer Somaliland oo beryahan xannuunsanayey marka hore waxa aanu illaahay uga baryeynaa  in illaahay caafimaad sarreecan ah siiyo, in illaahay safarkiisana xannuunkaa uu u baxayo iyo dhakhtarka uu tegayo illaahay uu daawo uga dhigo,isagoo caafimaad qaba oo fiicana uu inoo so noqdo,wax kale oo aanu maanta ugu nimi suldaanka ma jirto in aanu soo bookhano iyo in aan usii ducayno, markaa illaahay ha innaga aqbalo  ducadaa aynu u ducaynay ,waanu ku faraxsanay in aanu fursadan qaaliga ah helno, oo aanu hawgiisa kusoo bookhano ,saraakiil baddan  ayaa ila socota oo Xisbiga ka tirsan xoghayihii guud ,Afhayeenkii, Xoghayihii arrimaha guddaha iyo xoghayihii ciyaaraha,markaa suldaan Cumar adna waad noo sii ducayn dalkana waad u sii ducayn .” ayuu yidhi Cirro

Geesta kalena Suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar  Suldaan Maxamed ayaa uga mahad-celiyey Guddoomiye Cirro iyo masuuliyiinta kale ee WADDANI bookhashadooda “Marka hore waan idiin mahad-naqayaa bookhashadaa wanaagsan ee aad isoo bookhateen oo tii illaahay jideeyey iyo sunnihii rasuulku jideeyey ah aad ayaan idinku mahad-celinayaa illaahay khar ha idin siiyo ayaan leeyahay ducadana alle ha inoo aqbalo dalka iyo dadkana waxaan u rajaynayaa nabad iyo horumar illaahay ha gaadhsiiyo oo khilaafka iyo khalkhalkana illaahay ha inaga saaro.” Ayuu yidhi Suldaan Cumar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here