Hargeysa, February 4, 2021-(Foore)- Baanka dhexe ee Dowladda Somaliland ayaa la sheegay inuu kullan ay la qateen Madax-da Shirkadda Telesom iyo Somtel ay ku amreen inay joojiyeen gebi ahaanba adeegyadda Zaadka iyo E-dahabka in wax ka yar boqol dollar laga diri karro ama la isku dhaafsan karro lambarada ku iibsashada ah ee ganacsatada iyo meheradaaha ee loo yaqaano Marchant Numbers.
Masuuliyiinta Baanka dhexe ayaa la sheegay in arrinta u arkeen inay dabar u noqon karrto sicir bararka, isla markaan ay qiimaha shilinka Somaliland kor u qaadayso, waxaanay kullan ay la yeesheen dhawaan masuuliyiinta adeegyadda Zaadka iyo Edehabka ay isla qateen in la joojiyo in lambaradda ku iibsashada loo yaqaano in aan la iskaga dirri karrayn boqol dollar wixii ka yar, taas oo la sheegay in la isla qaatay, isla markaana dhaqan gashay kowda bishan aynu ku jirno ay go’aankaas oo ay fuliyaan shirkadduhu,waxaana xusid muddan inay kowdii bishan feberwery isniintii toddobaadkan ay labada shirkaddood-ba joojiyeen in lambarada ku iibsashada loo yaqaan aan la iskugu dirin lacag ka yar boqol dollar.
Geesta kalene Adeegyadda Edehabka iyo Zaadka ayaa lambarada ku iibsashada ay ahayeen markii hore qaar la iskaga dirri jiray hal dollar laba dollar shan dollar iwm,taas oo ahayd mid aan xaddidnayn ,balse hadda gebi-ahaanba waa la joojiyey,waxaana lagu soo koobay boqol dollar iyo wixii ka weyn in la iskugu dirro,haseyeeshee go’aankan aan loo sii sheegin bulshadda ayaa isniintii toddobaadkan saamayn weyn ku yeeshay suuqyadda ganacsiga magaalooyinka waa weyn ee dalka,kaas oo abuuray jahaweer hor leh oo ilaa hadda teegan.
Dhanka kalena waxa la sheegay in aan masuuliyiinta Baanka dhexe aannay wax-oggeysiis ah siin bulshada,mana jirro inta la ogyehay oggeysiis la xidhiidha arrintaas oo ay masuuliyiinta Baanka dhexe war-baahinta u mariyeen bulshada oo ay ku sheegeen in la joojinayo in wax ka yar boqol dollar aan la iskugu diri karrayn lamabarrada ku iibsashada ee adeegyadda Zaadka iyo Edahabka,waxaase xusid muddan in keliya masuuliyiinta Baanka ay amarka siiyeen joojinta in aan lambarada ku iibsashada boqol dollar wixii ka yar aan la iskugu dirri karrin masuuliyiinta Shirkaddaha Adeeg-yadda Zaadka iyo Edebahabka,balse bulshadii iyo gacansatadii isticmaalaysay aanay siin wax wergelin ah,halka ay shirakaddaha qudhoodu aanay dadka macaamiishooda ahaa ee adeegyaddan isticmaala aanay oggeysiin ku fillan aanay siin.
Si kastaba ha-ahaatee tallaabadan uu qaaday Baanka dhexe ee Somaliland oo lagu sheegay mid aan lagu wergelin Bulshada ayaa samayn weyn ku yeellatay suuqyadda dalka,waxaana ku keentay Gacansatada iyo bulshadda Jahawareer hor leh.