Itoobiya Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadashay Xaaladda Caafimaad Ee Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed Oo Muddooyinkii Dambe Hadal Hayntiisu Badnayd

0
496

Addis Ababa, January 28, 2021 (Foore) – Dawladda itoobiya ayaa Go’aan kasoo saartay warar labadii todobaad ee u dambeeyay la isla-dhexmarayay, islamarkaana aad u dhex wareegayay Baraha Bulshadda kaasi oo ku saabsanaa in Raysal Wasaare Abiye Ahmed uu haleelay Xannuun la mid ah kii galaaftay Raysal Wasaarihii hore ee Itoobiya Males Sanawi, kaasi oo lagu sababeeyay War war iyo caloolyaw uu ka qaaday Dagaalka Maamulka Tigrayga oo wakhti badan qaatay, nafo bandanna ay ku baxeen.

Mas’uuliyiinta sare ee dalka Itoobiya ayaa Shalay soo saaray go’aan ay ku mamnuuceen in laga hadlo xaaladda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, waxayna dadka isticmaala baraha bulshada uga digeen wararka la faafinayo ee la xidhiidha xaaladdiisa caafimaad, xilli aan muddo labo isbuuc ah lagu arkin fagaareyaasha Raysal Wasaare Abiye Ahmed.

Hey’adda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku share gareeya wax ay ugu yeedhay “wararka marin-habaabinta ah” ee ku saabsan caafimaadka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Digniinta hey’adda sirdoonka NISS ayaa lagu sheegay in wararka noocaas ah ay khalkhal galinayaan ammaanka wadanka. Shalay Duhurnimaddii ayaa warbixin laga soo saaray xafiiska Ra’iisul Wasaaraha taasi oo shacabka looga dalbaday in ay ka feejignaadaan “wararka la isla dhex marayo ee aan xaqiiqada ahayn”.

Waxa warbixintasi lagu yidhi “Waxaan jecelnahay inaan dadweynaha la wadaagno in wararka la isla dhex-marayo ee la xidhiidha badqabka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay yihiin kuwa been abuur ah,” ayaa lagu yidhi qoraal lagu qoray barta Twitter-ka ee Xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa maalmihii u dambeeyay la arkin, iyada oo ay xusid mudan tahay in aanu la kulmin Wasiirka arrimaha dibedda UK oo booqasho ku tagay dalkiisa, midaasi oo sarre u qaaday tuhunka la xidhiidha xaaladiisa caafimaad.

Itoobiya ayaa wajaheysa xiisad siyaasadeed oo xoogan, kadib markii xukuumadda Abiy Axmed ay dagaal ku qaaday maamulka TPLF, oo ugu dambeyntii duurka galay, kuna dhawaaqay dagaal jabhadeysan oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here