Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey Inay Mishiinkii Baadhitaanka Cudurka COVID-19 Ka Dhigeen Ganacsi Markii 3-aadna Kordhiyeen Lacagtiisa

0
501

Hargeysa, January 25, 2021-(Foore)- Cisbitaalka weyn ee Dawladdu maamusho ee Magaalada Hargeysa ayaa markii saddexaad ku kordhiyey bulshada lacagta laga qaado dadka iska baadhaya cudurka covid 19 iyo bukaanada uu haleelo,waxana la sheegay in aan la garanay meesha lacagtaas ay ku dhacdo iyo qaabka loo maamulpo mid-na

Xoghayaha arrimaha Bulshada ee Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq dhamme oo arrintaas ka hadlay ayaa shaagay sidan:-“Mishiinka coved 19-ka lagu baadho ee Hargeysi waa lacag wuxuu noqday ganacsi laga sameeyo lacag waxa laga qaadaa dadka lagu baadho lacag $45 oo xisaabteedu meel ay ku dhac-do oo ay cid gaar ah ugu dhacdo oo ilaa hadda aan la garanay si loo maamulo oo shaqaalaha ka shaqeeya ee halista ugu jira ee mishiinka dultaagan ay ka qataan fara guudkood,iyadoo ilaa hadda aan la garanayn meel lagu maamulo lacagtaas.”ayuu sheegay

Dhanka kalene Xoghaye dhamme ayaa sheegay in qalabka uu ku shaqeeyo mishiinkaas iyo qalabka ay xidhaan shaqaalaha ka shaqaynayaa ay yihiin qaar la inagu caawiyo “Dhammaan alaabta uu ku shaqeeyo mishiinkan lagu baadho covid 19-ka  iyo qalabka kale ee laga xidho ee loo yaqaano “PPA” personal protective augments,waxa inagu caawiyey Hay’addaha caalamiga ah ee ay kamid tahay WHO UNCEF, hal shay Somaliland sooma iibsato,lacagta ka soo baxda mishiinkana waxa lagu sheegay  in lagu daboolayo baahiyaadkiisa, uma baahna waa la inagu caawiyaa, lacagtaas ma’aha mid ku baxda mishiinka, cisbitaalka,dhakhaatiirta,waxaanay dultalaa fadeexadaasi Wasaaradda Caafimaadka Agaasimaheeda iyo wasiirka .”

Geesta Kalene Xoghaye dhamme ayaa sheegay in lacagta ka soo xarootay mishiinkaas ay bishii hore ahayd laba boqol iyo kontan kun oo dollar, waxaanu tilmaamay in xataa bukaanada uu haleelo cudurkaas laga qaado lacagtaa “Mishiinka waxa laga dhigay Lacag $45 doolar qof kiiba ,taas oo xataa laga qaado  mararka qaar dadka la baadhayo ee bukaanka ah ee jiifa, waa masiibo loogu tallogalay in laga macaasho oo laga sameeyo lacag, taas oo aanay jirin xisaab celin meel lagu sheegay waxa lagu qabto,shaqaalaha ka shaqeeya mishiinka  naf hurka u geliyey bad-baadinta bulshadooda soona saara lacagtaa xadigaa leeg oo bishuu ugu dambaysay lagu sheegay  laba boqol iyo kontan kun oo doolar $2,50000 kama qaataan mushahar ku filan .” ayuu sheegay Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Maxamed Sidiiq Dhamme oo ka hadlayay xaaladda Mishiinka COVID19.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here