Xisbiga WADDANI Oo Sheegay In Xukuumaddu Lunsatay Malaayiin Doollar Oo Loogu Tallogalay COVID19

0
603

Hargeysa, January 25, 2021- (Foore)Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa markii ugu horeysay ku eedeeyey guddidii coved 19-ka inay lunsadaneen lacag ku dhaw hal bilyan oo dollar, taas oo loogu tallogalay wax ka qabashada cudurka covid 19, haseyeeshaa ay ku tagrifaleen guddidaasi.

Xoghayaha arrimaha bulshada ee Xisbiga WADDANI oo war-baahinta kula hadlay xarunta guud ee Xisbiga, ayaa sheegay in lacago loogu tallogalay wax ka qabashada cudurka covid19 ay lunsadeen guddidaasi.

Maxamed Sidiiq-dhamme ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan :-“7 Milyan ee dollar ee ay ganacsatadu iska ururiyeen iyo dadka reer Somaliland,wax shaqo ah oo lagu qabtay ma jiraan qalab laguma soo iibin cisbitaal karrantiin laguma dhisin,wacyigelin laguma samayn, xafiis xataa ay guddidu ku shaqayso laguma samayn oo waxay ku shaqeeyaan wasaarad dhex-deed.”ayuu yidhi

Dhanka kalene Xoghaye Dhamme ayaa sheegay in agabka coved 19 ay bixiyeen gacansato,balse lacagtaas uu ku sheegay 7 milyan ee dollar ay lunsadeen guddidii loo magacaabay coved 19-ka  “coved 19-kan lacagtiisa iyo agabkiisaba waxa  inoogu deeqay dadka muwaadiniin ah oo reer Somaliland ah,lacagtaa malaayiinka dollar ah meel ay martay oo lagu xisaabiyey ma jirto,wax xisaab celin ah oo ka timina ma jirto, 7 milyan waxay u eegtahay in lagu tagrifalay, ilaa hadda waxa laga hayaa guddida la dagaalanka coved 19 inay lacag hal milyan iyo badha 1.5 Milyan dollar inay ku sheegeen in lagu sameeyey wacyigelin,sida aynu ognahay wacyigelinta war-baahinta ka socotay waxay ahayd mid mutatawacnimo ah oo war-baahintu ummaddeeda ugu deeqday,waxa kaliye ee wacyigelin lagu sheegi karaa suuqa weyn ee waheen Mikirifoon lagu xidhay oo ay ka socotay qaylo covid 19-ka ka yaacay ahayd .”ayey sheegeen.

Waxaanu intaas ku sii daray “Waxaynu dareemaynaa madaama oo aan lacagtaa loo isticmaalin coved 19-kii in aanay lacagtaasa 7 Milyan ee dollar ahayn lacag ummadda ku noqotay ee ay tahay lacag lagu tagrifalay oo ay tahay guddidaa in lagu maxakamaddeeyo  oo ay mutaan ciqaab oo ay xabsi ku tagaan,madaama hantidan ummaddu ay lahayd la is lahaa kaga bed-baadiya xanuunka.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here