Hargeysa, January 25, 2021-(Foore)- Guddoomiyayaasha Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa ka hadlay musharaxiinta Beelaha Gabooye ee ka qayb-galaya Doorashada Golaha Wakiillada iyo degaanka,waxaanay beelaha Gobooye ay ugu baqeen inay u midoobaan sidii ay Musharaxiintoodu ugu Guulaysan lahayd Doorashada, iyagoo sheegay in aan Xisbiyaddu is garab eryeyn Musharaxiinta Beesha Gabooye,balse Saddex-da Gobol ugu waa weyn dalka ee Togdheer Awdal iyo Maroodijeex ay saddex-da Xisbi ka kale sharaxeen saddex Musharax oo Golaha Wakiillada ah.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ugu horeyn arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-Waxaanu ku heshiinay Gobooyahan in aanu Barlamaanka saddex-da Gobol ee waa weyn Xisbigiiba hal qof uu ka sharaxo, markaa Hargeysa ayaa la wadda doonayaa, waa in aanaynu eegin qofku Xisbiga uu yahay waa in aynu eegnaa baahida Beesha,saddex-dayadda Xisbi waxaanu gaadhnay madaama aan kooto jirin in aynu siddeed iyo toban 18 dumar ah sharaxno oo aynu gobolkiiba sadex-da xisbi min sadex dumar ah ka sharaxaan waa lix gobol oo min saddex ah waa 18 tiibaanu ku jirnaa,waxaad ogataan codka lagu soo baxayo aad ayuu u baddan yahay Hargeysa oo kale Gobolka Maroodijeex, shan boqol oo kun wax ka baddan ayaa iska diiwaangeliyey,haddii afar boqol oo kun ay codeeyaan doorashada codka uu kusoo baxayo Xildhibaanku 20,000 ayuu noqonaya .”
Waxaanu intaas ku sii daray Guddoomiye Faysal “Annaguna waxaanu nidhi haddii aanu UCID nahay na loo doono Togdheer mid aanu ka sharaxno.madaama uu yahay Barkhad Madhibaan,Muuse ha la doono ayaanu nidhi,KULMIYE inan Tumaal ah ayuu Awdal keenay markaa waa loo dhan yahay,waxaad ogataan Barkhad waa musharax Gobooye ee ma’aha Musharax Madhibaan,Musharax Golaha Degaankana Gobooye oo dhan ayuu metelaa, waa in aad idinku is ogolataan oo midowdaan.”ayuu yidhi Faysal
Dhanka kalene Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna ku booriyey beelaha Gobooye sidan: “ Haddaad idinkuna midowdaan oo inanta laga sharaxay Awdal ay noqoto inan aan ardaa katirsanayn ee ay noqoto mid beelahaas oo dhan katirsan oo musharrax Barkhad uu noqdo musharaxiniin Maroodijeex oo musharax uu Xisbiga UCID uu noqdo Musharax Gobolka Togdheer oo noqdo musharax kaliya ee beelaha oo dhan metela,waxaan is leeyahay beelaha dhexe oo dhan wey ka codbadanayaan,midnimo wanaagsan haddii aad sidaa u fahantaan,haddii aad sidaa u olollalaysaan taageero baddan waad heli doontaan,waxaan ku rajo weynay in aad cid idin metesha ku yaalataan maanta Golaha Wakiilladda iyo Golayaasha Degaankaba “ayuu yidhi
Waxaanu intaas ku sii daray Guddoomiye Cirro oo haddalkiisa sii wataa “Wax-ba ha baqanina Beelahaa aad isleedihiin beel waliba wey is haysataa, markaa durufahaa adag mujtamaca oo dhammi wuu soo maray, waana laga gudbaa marka laga wada shaqeeyo,waxaan ku kalsoonayhay haddii aynu gacmaha is qabsano inaynu derbigaa jebin karno ka gudbi karrno guulaysan kartaan.”ayuu yidhi.