Eng. Faysal Cali Waraabe Oo Ka Dayriyay Xaaladda Hargeysi Ku Sugan Tahay, Sheegayna In Waftiyada Innoo Yimaad La Waayo Jid Ay Maraan Waddooyinka Burbursan Awgeed

0
692

Hargeysa, January 25, 2021- (Foore)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn uga dayriyay xaaladda Nadaafadeed iyo waddooyin ee Magaalada Hargeysa oo uu ku sheegay mid dhibaato weyn qabta oo qashinkii meel walba buux dhaafay sidoo kalena aanay jirin hal waddo oo hagaagsan oo la mari karaa. Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu sheegay in la gaadhay wakhtigii gurmad degdeg ah laga gali lahaa sidii caasimadda wax looga qaban lahaa maadaama ay gaadhay heer wufuuddii caalamka innooga imanaysay la waayo jid la mariyo oo hagaagsan, meel walbana waddo xumo iyo qashin buux dhaafiyay.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay xaflad lagu shaacinayay xubin u tartami doona Golaha Deegaanka Hargeysa oo xisbiga UCID iska soo sharraxay ayaa dorraad Sabtidii waxa uu baaq u diray xisbiyada qaranka iyo guud ahaan shacabka reer Hargeysa oo uu ku booriyey in la soo saaro 17 xubnood oo Ilaahay ka baqaya oo Hargeysa u shaqeeya ee aan ka shaqaysan sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Diiwaan-galintii mar haddii ay innoo dhammaatay waxa innagu waajib ah in aan keennaa dad wanaagsan oo xilkas ah. Waxani waa xil, xilkuna waa ammaano. Ammaanada if iyo aakhiraba waa lagaala xisaabtamayaa. Magaalooyinka Hargeysa iyo kuwa kaleba tiradii xildhibaannada Golayaasha Deegaanka waa la yareeyey. 25 ayay hore u ahaayeen waxa laga dhigay 17 xildhibaan. Sababta loo yareeyey waad ogtihiin in raggii meesha joogay ay noqdeen 25 wada Maayar ah oo meeshana Mushahar ay u soo doontaan mooyee aan waxba qaban. Min shan iyo labaatan kun oo dollar bay qaataan. Lacagtaasi MCH-yo ayay innoo dhisi lahayd. Waxa aynu u baahanahay qof shaqaysta oo noloshiisa meel ku tiiriyay in aynu gayno golayaasha deegaanka oo wax uu qabto mooyee aan meesha u soo shaqo tagin”.

“Magaaladeenii Hargeysa waa lagu qoslaa. Dadku way yaabaan. Nin baa yidhi markaan Madaarka ka soo degay ee aan soo galay Magaalada haddii aan haysan lahaa warqaddii aan ku aqoonsan lahaa Somaliland halkaasi ayaan ku jeexjeexi lahaa. Dad magaalo hagaajisan kari waayay ma qaran dhan bay hagaajisan karaan. Waa maya. Caasimaddu waa Muraayaddii qarankeenna. Waan naxaa marka ay wufuuddu innoo yimaaddaan waddada lasoo mariyo haddii aad aragtaan. Wadadaa Degmada Axmed Dhagax oo xaafaddu samaysatay ayaa lasoo dhex mariyaa. Waddooyinkii waaweynaa oo dhammi way jajaban yihiin oo waa burbur. Fool xumo weyn bay innoo keentay. Dad badan oo innoo hanqal taagayay markii ay arkeen magaaladeena fool-xumadeeda waxa aynu xataa iska jari kari waynay dhirtii garan-waaga ahayd. Qashinkii baynu iska qaadi kari waynay. Magaaladeenii Gudaafad bay noqotay Gudaafad. Waxa aynu u baahanahay 17 qof oo khayr qaba oo reer Hargeysa ah in aynu soo saarno uguna ducayno. Maalintii aynu Maayarka ka dhignay Eng Yuusuf Warsame haddii uu noolaan lahaa maanta Hargeysa sidaa uma ekaateen. Xisbigana (UCID) u soo duceeya. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa wixii afka ka soo dhaca Gafuurbaa leh. Markaa wixii KULMIYE ka soo noqda anaa leh., (UCID baa leh ee sidaa ogaada”. Ayuu yidhi Eng- Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here