Muqdisho, January 18, 2021- (Foore) – Madaxweynaha kililka Oromia ee dalka Itoobiya iyo taliyaha guud ee ciidankaasi Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay booqasho qarsoodi ah ku tageen caasimadda waddanka Soomaaliya ee Muqdisho.
Shimelis Abdisa iyo Major General Berhanu Jula ayaa safar aan la shaacin oo qarsoodi ah ku tagay Magaalada Muqdisho 15-kii bishan iyaga oo lagu warramayo iney kulan la qaateen madaxweynaha dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulkiisa.
Wafdigan ayaa madaxweyne Farmaajo kala hadlay xaaladda dalka, doorashooyinka, ciidanka Itoobiya ka jooga Soomaaliya iyo arrimo kale.
Wali safarkaan qarsoodiga ah kama aysan hadlin Villa Soomaaliya, lamana yaqaan sababta keentay in la qariyo kulanka dhexmaray madaxda dalka iyo wafdigii ka yimid Itoobiya.
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Farmaajo ayaa xidhiidh waji wanaagsan ah la sameeyay dowladda Itoobiya iyadoo la xasuusto in ololahiisa madaxtinimada dalka ee dhamaadkii 2016 iyo bilowgii 2017 uu ku qotomay naceybka dowladda Itoobiya. Balse wixii intaasi ka dambeeyey si weyn looga haysta maamulak Addis Ababa oo ay gaar ahaan Abiy Axmed isugu xidhan yihiin wax lagu tilmaamo mashruuca is dhex galka dalalka Bariga Afrika.
Soomaaliya hadda waxaa lagu tiriyaa dowladda ugu dhaw ee Itoobiya iyadoo Abiy Ahmed uu saaxiib ka dhigtay madaxweynaha wakhtigiisa sii dhamaanayo ee Farmaajo kaas oo muddo xileedkiisa uu ka harsan yahay wax ka yar 25 cisho.