Taariikh Nololeedka Alla Ha U Naxariistee Wariye Shukri Xariir Ismaaciil Oo Hargeysa Lagu Aasay

0
558

Hargeysa, January 18, 2021- (Foore)- Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Soomaaliland isla markaana Hargeysa ku geeriyootay dorraad ayaa muddo ku soo jirtay siyaasadda iyo warbaahinta.

Shukri Xariir Ismaaciil waxey ahed mid ka mid ah gabdhihii ugu horeyay ee ka hadla idaacadda Radio Hargeysa,iyadoo daadihin jirtay barnaamijyo dhowr ah oo ay ka mid ahaayen barnaamijka dalabaadka , Ila Tali Walaal codka haweeenka iyo barnaamji looga hadli jiray hiddaha iyo dhaqanka.

Allaha unaxariistee Shukri waxey ku soo biirtay warbaahinta horaantii sanadkii 1978-dii xiligaas oo ay noqatay gabadhii ugu horeysay oo Radio Hargeysa ka qabata barnaamijyo sida ay BBC-da u sheegtay Safiya Cali Yuusuf oo muddo ay soo wada shaqeyeen isla markaana ay ehel dhow yihiin.

Waraysi ay horey u siisay warbaahinta ayay ku sheegtay in mihnada saxaafadda ay jecleed xiligii ay yareed ayna dadaal badan kadib u suurta gashay in ay ku biirto Radio Hargeysa, oo ay sheegtay in shaqaalihii xiligaasi ay soo gacan qabteen oo si wanaagsan loogu soo dhaweyay Idaacadda. Shukri Xariir Ismaaciil oo siyaasadda ka gaartay wasiir ku xigeen oo ay ka soo noqotay laba wasaaradood oo kala ah wasaaradda warfaafinta iyo wasaaradda shaqada ayaa sidoo kale aad loogu yaqiinay arrimaha bulshada gaarahaanna arrimaha haweenka iyo u doodidda dadka danyarta ah oo ay kaalin muhiim ah ka soo qaadatay.

Sida dadka yaqaanney ay sheegeen Shukri waxey u dhaq-dhaqaaqi jirtay horumarka haweenka haddi ay tahay waxbarashada shaqooyinka iyo xuquuqul insaanka.

Ururka Saxaafadda ee haweenka ee Soomaaliland laguna magacaabo WIJA ayay ka mid ahayd dadkii aasaasay iyadoo mar walba ku dhiira galin jirtay haweenka in ay wax qabsadaan iyadoo sidoo kale la sheegay in ay ahayd qof dadka xiriirisa.

“Waxe u olaoleyn jirtay sidii haweenka Soomaaliland ay uga qayb qaadan lahaayen talada dalka” ayay tidhi Safiya Cali Yuusuf oo ah saxafiyad ay in muddo ah soo wada shaqeyeen Shukri.

Sidoo kale Shurki waxaa ay ka soo shaqeysay hay’addo dhowr ah oo ubadnaa kuwa samafalka iyadoo soo gacan qabatay dad kala duwan oo ubaahnaa gacan qabasho kuwaas oo qaarkood ay ka caawisay waxbarasho iyo shaqooyin.

“Waxaa jiray dad badan oo ay soo gacan qabatay ama wax ha barto ama shaqo ha gayso ama wax kale ha siiso dad badan ayay soo gacan qabatay waxeyna ahayd qof dadka aad u xiriiriya oo arrimaha bulshada wax badan ka soo qabatay ” ayay tidhi Safiya Cali. Shukri waxey ahayd hooyo dhashay 13 carruur ah mid ayaana ka dhintay waxaana hadda jooga 12 sida ay noo sheegtay Safiya Cali Yusuuf oo ay qaraabo ahaayen.

Hadda inta aysan dhiman waxey ahayd la taliye dhanka arrimaha warbaahinta ah oo ay ka ahayd wasaaradda warfaafinta Soomaaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here