Washington, January 18, 2021- (Foore)- Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu qalinka ku duugo dhowr digreeto saacadaha ugu horreeya, marka xilka loo caleema saaro Arbacada soo socota ee saadambe oo uu si rasmi ah xilka Madaxtinimo ee dalka Maraykanka ula wareegi doono.
Sida uu sheegay ninka uu u xushay inuu noqdo madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, Madaxweyne Joe Biden ayaa amarrada madaxweyne ee uu saxeexi doono Arbacada ay intooda badani noqon doonaan kuwo uu ku burinayo amarro uu horay u saxeexay madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee uu doorashada kaga guulaystay Donald Trump.
Go’aammada uu saxeexayo Madaxweynaha Maraykanku Kuwooda ugu horreeya uguna waa weyn ayaa waxaa ka mid ah laalista xayiraada socdaalka ee uu Trump saaray dalal dhowr ah oo intooda badani Muslimiin yihiin oo ay ku jiraan dalka Soomaaliya, taasi oo culays weyn ka dul qaadi doonta safarkii dadka Soomaalidu ku tagi lahaayeen waddanka Maraykanka.
Xayiraaddaas socdaalka ayaa hore u saameysay Soomaali badan oo ku jira xerooyinka qaxootiga oo ku rajo weynaa in loo soo qaado dalka Mareykanka. Waxay sidoo kale u diidday Soomaalida Mareykanka ku nool qaarkood in dalka la keeno ehelladooda, sida xaasaska iyo carruurta. Halka kuwo kale oo siyaalo kale ugu dhoofi lahaa dalka Maraykanka sida dacwadaha qoysaska ay xayirmaan muddodii 4-ta sano ahayd ee Donald Trump talada dalkaasi hayay maadaama uu isagu mamnuucay.
Waxaa sidoo kale digreetooyinka oo saxeexi doono Joe Biden ka mid ah kuwo lagu amrayo dib ugu laabashada heshiiska cimilada ee Paris, iyo inuu waajib ka dhigo in maaska afka lagu daboolo lagu xidho dhamaan xarumaha dowladda federaalka ee dalka Maraykanka. Biden iyo ku xigeenkiisa, haweeneyda lagu magacaabo Kamala Harris ayaa la wareegi doona talada xafiiska Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka 20-ka bishan Jeenaweri oo ku beegan Arbacada soo socta. Madaxweyne Trump ayaan isagu ka qeybgali doonin xafladda caleema-saarka