Wasaaradda Shaqo Galinta Oo Daryeel Layaab Leh U Fidisay Aabbe Iyo Wiil Yar Oo Daryeel Xumo Ugu Dhiman Gaadhay Jidadka Hargeysa, Itoobiyana Dib Ugu Dhoofisay

0
481

Hargeysa, January 14, 2021- (Foore) – Wasaaradda Shaqo galinta, Qoyska iyo Arimaha Bulshada Somaliland ayaa Dawladda Itoobiya dib ugu celisay Aabbe iyo Wiil yar oo isdhalay kuwaasi oo ay saddex todobaad ka hor ka kasoo qaadeen si ay u daryeelaan Badhtamaha Hargeysa oo ku silicsanaa in muddo ah.

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa daryeel cajiib ah, shacabkuna bogaadiyay u fididay Aabahan oo sida la aaminsan yahay Maskaxda ka xannuunsanaa islamarkaana goob laba jid dhexdooda ah badhtamaha Hargeysa, ilmo yar oo da’diisa aanay ka badnayd saddex sanno ku haystay kaasi oo isagana daranyo culusi haysatay, wakhti dhaxan xad dhaaf ahi dalka ka dhacayso oo uu ilmahaasi yar bannaanka waddooyinka kula hoyan jiray.

Arrintaasi waxa ay welwel iyo argagax ku abuurtay Bulshada shacabka ah ee reer Hargeysa kuwaasi oo soo wargaliyay Wasaaradda Shaqo galinta, qoyska iyo arimaha Bulshada oo Iyana si degdeg ah oo bani aadamnimo uga jawaabtay baahidii daryeel ee uu mudnaa qofkaasi aan ehel iyo cid toona lahayn ee ilmaha yar la dhibaataysnaa isna xanuusanayay.

Sida ka muuqata, mudo toddobaad iyo badh ah oo ay Masuuliyiinta Wasaaraddu gacanta ku hayeen Wiilka yar iyo Aabbihii, waxa ay daryeel dhan walba leh u sameeyeen Aabbihii iyo wiilkiisii yaraa, iyagoo ka badelay dharkii, kabihii iyo agabkii kale, islamarkaana ka rogay muuqaalkii oogada jidhkooda saarnaa ee aadka u darnaa, waxaanay ugu dambayn Shalay u gudbiyeen Dawladda Itoobiya oo ay dhalasho ahaan kasoo jeedeen Aabaha iyo wiilku. Qoraal kasoo baxay wasaaradda oo lagu baahiyay Barta ay ku leeyihiin mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook ayaa lagu yidhi sidan: “Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jamhuuriyada Soomaliland Waxaa u suuragashay iyada oo  kaashanaysa  madaxda Safaaradda Dalka Ethiopia ku leedahay Somaliland iyo Xafiiska Bulshada Ethiopian-ka ah labadaba in dalkiisii Hooyo lagu celiyo isla markaana ay kaafalo qaaddo Dawladda Ethiopia oo ku sugaysay Xuduudka Ethiopia ee dhanka Wajaale Aabbe ilme yar haystay oo ku dhibbanaa shaaracyada caasimada dalka ee Hargeysa, iyada oo ay wasaaraddu gacanta ku haysay muddo laba usbuuc iyo badh ah”.

Saddex Todobaad ka hor ayuunbay ahayd markii Baraha bulshada ay qabsadeen sawiro argagax leh oo la xidhiidha nolosha Aabahan iyo ilmihiisa yar kuwaasi oo goob Gudaafad ah oo laba jid u dhexaysa ku noolaa wakhti ay dhaxantii ugu darnayd ka dhacayso Hargeysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here