Hargeysa (Foore)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa toddobaadkan kormeer ku tegay xarunta Wasaaradda horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland, halkaas oo ay ka socdaan shaqooyin baddan oo la xidhiidh siddii bulshada reer Somaliland looga haqabtiri lahaa biyaha.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha Somaliland Maxamed Xasan Dirir oo war-bixin ka siiyey Madaxweynaha Wasaaradda shaqooyinka ka socda iyo qorshayaasheed,ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan:- “Barmaamijka aanu ugu magacdarnay gacantaada biyo kaga dherag oo hadda gebo-gebo ku dhow,kaas oo aanu doonayno,madaama oo Qarankan markii la dhisayey shacabka Somaliland quwadiisa oo la addeegsatay lagu dhisay, maantana in haraad gacanta bulshada iyada oo la addeegsanayo lagu qabto biyaha roobka, Riigaga iyo ceelasha iyo balliyadda aynu dhisaynaa waxa weeyeen biyihii ina dhaafay oo aynu kharash dib uga baadi doonayno,waxa weeye qorshaha aanu wadnaa in biyaha roobka inta aanay ina dhaafin in ummadda Somaliland iyadoo iskaashanaysa ay qabsadaan.”
Agaasime Dirir ayaa xusay in Wasaaradda Biyaha ay u baaqatay Lacag kaga bixi lahayd biyaha ay isticmaasho,waxaanu xusay inay keefiday berkad ay samaysteen oo ay galaan biyaha roobka, taas oo ku dhex-taal guddaha Wasaaradda “Barkeddan aynu hadda dul-joogno Madaxweyne waxay qaadaa 350 foosto,sistamka wasaaradda oo dhan ayaa isku xidhiidh-san, markasta oo daruuri da’do wey buuxsantaa,wasaaraddu biyo kale ma isticmaasho sannadka oo dhan waxaanu isticmaalnaa biyaha barkaddaa ku jira toddoba iyo toban kun oo dollar $17,000 oo biyo nagaga bixi lahaa ayaa noo baaqda sannad walba, Hay’addaha Dowladda oo dhan iyo iskuulada waxa aanu rabnaa iyo dhakhaatiirta oo kale inay qorshahaa u fuliyaan,guryaha ay dadku ku nool-yihiina oo noqonayaa dhawr nooc waxa aanu nash-khadaynay in aanu Berkeddo farsamadii iyo kharashkii oo shirkaddaha dhismaha lagala heshiiyey si aanu muwaadinku kharashyo kale duwan u bixin in iyagana la sameeyo, waxa kale oo aanu Madaxweyne hindisaynaa in bulshadda miyiga ku nool aanu ka caawino in balliyo yar-yar qoddan karaan annaguna bacdii iyo farsamaddii lagu dhigi lahaa aannu ka caawino,waxaanu rajaynaynaa haddii uu fikir kayagaasi hirgalo in ummadda Somaliland meel kasta oo ay joogtaba qofku uu biyana haysan karro,beertiisa balli yar oo ku filan ka samaysan karro.” Ayuu yidhi
Waxa kale oo u Madaxweynaha uga xog-warramay Agaasimaha Wasaaradda Biyuhu qaabka uu u shaqeeyo laabka lagu baadho biyaha “Madaxweyne waanu kusoo dhaweynaynaa halkan shaqo baddan ayaa ka socota , halkani waa laabkii biyaha Somaliland oo dhan lagu cabbo ayaanu rabnaa in aanu tijaabino oo aanu ummada ka eegno, markay injineeradu kuu warramayaa xannuuno baddan oo ay dadku la nool-yihiin biyaha ayaa qayb-ka ah,meelaha qaarkood marka biyaha la soo saarro ceelasha waxay ku odhanayaa biyahani uma qalmaan in aadami iyo xawayaan midna cabbo awooda milixda ku jirta,markaa laabkani wuxuu u qalabaysan yahay biyo kasta oo la soo saarro oo aan ahayn kuwaa roobka ah ee nadiifta ah inay tijaabiyaan inay u qalmaan in ummada iyo xooluhu cabbi karraan iyo biyahan caagada mooyo sixadda ah ee la sifeeyey inay is waafaqsan tahay waxa ku qoran warqada ku dhejisan iyo waxa guddaheeda ku jira, markaa laabkani wuxuu u diyaarsan yahay inuu hubiyo biyaha ay ummaddu cabbayso.” Ayuu yidhi Dirir.
Dhanka kalene Agaasime Dirir ayaa waxa uu ka war-bixiyey iskuulka Wasaaradda Biyaha iyo wax-yaabaha lagu barto iyo sidoo kale riigaga Wasaaradda ay haysto hadda iyo hiigsigooda mustaqbalka dhow “Halkan Madaxweyne waxa innaga xiga iskuulkii afar aqoonood ayaa lagu bartaa, Electric, plumping. Babka sidda loo dayac tirro, mishiinka ceelka sida loo dayac tirro,wuxuu’se nooga baahan yahay in aanu kobcino ardayda tiradda gelaysan aanu kordhino iyo aqoonta lagu barranayo oo aanu kor u qaad-no intaba waxa aanu rabnaa in aanu kor u qaadno,waxa kale oo iyana jira Madaxweyne halkan riigag ayaa inoo yaala wey’se kooban yihiin waxaan u baahanay mustaqbalka dhow oo aanu ku hamiyeynaa oo qorshaheedii gacanta aanu ku haynaa in Wasaaraddu yeelato qaybtii qoddaalka ceelasha oo aynu ka baxno qandaraaslayaasha Dowladda dib uga sii faa’iidaya oo ay Dowladdu qoddan karto ceelasheeda iyo Balliyadeeda si kharash koobanu ummadda Somaliland uu uga baxo .”ayuu yidhi