Hoggaanka Cusub Ee Ururka Suxufiyiinta SOLJA Oo Shalay Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay

0
619

Hargeysa, January 14, 2021- (Foore) – Hoggaanka cusub ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA dhawaan loo doortay, ayaa Shalay si rasmiya xilka ula wareegay.
Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa isla-markaana ay ka qayb-galeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka, Suxufiyiinta Somaliland badankooda iyo Daneeyayaasha Saxaafadda Somaliland, ayaa waxa xilka kula kala wareegay Guddoomiyaha cusub ee SOLJA Sakariye Axmed Muxumed oo matalaya 15-ka xubnood ee Hoggaanka ururka, waxaanu kala wareegay Guddoomiyihii hore ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo matalaya Guddigii hore ee fulinta ee wakhtigoodu dhamaaday.
Ugu horrayn, waxa halkaa ka hadlay ku-simaha Agaasimaha fulinta ee SOLJA Mr. Ilyaas Cabdillaahi Cabdiraxmaan waxaanu ka warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu ururku soo maray, waxaanu yidhi “Ururka SOLJA waxa la aasaasay bishii February 2003, Maantana (Shalay) 13 January, 2021 waxa xilka la wareegaya Guddoomiyihii ugu dambeeyay. Saddexdii sanadood ee u dambeeyay SOLJA wuxuu ka shaqaynayey in Xirfadda Suxufiyiinta kor loo qaado, muddadaa kulamadii iyo Tababbaradii uu ururku qabanayey waxa ka qayb-galay oo ka faa’idaystay 1,865 Suxufi..”
Maxamed Faarax Coomaade oo ku hadlayey Magaca Guddiga fulinta ee SOLJA oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan qirayaa in hawl culus inoo taallo, masuuliyad weyn oo culus dhabarka la inoo saaray.”
La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha doorashooyinka Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sii sagootiyey hoggaanka uu muddo-xileedkoodu dhamaaday ee xilka wareejiyey, hoggaanka cusubna soo dhaweeyay, waxaanu yidhi “Saxaafaddu midabbadii ay lahayd bay ka kooban yihiin (Guddiga cusub ee fulintu), waxaan Ilaahay haka dhigo inaan midabbadeedaa kala duwan isku dhicin, Waayo? Guraase (Xoghayaha SOLJA) wuxuu ku barbaaray Saxaafad Madax-banaan, Sakariye (Guddoomiyaha SOLJA) wuxuu ku barbaaray Saxaafadda Dawladda, labadaba Anigaa ka soo shaqeeyoo ta Dawladdaa yar deggan oo sharciga yar aqbasha..”
Guddoomiyihii hore ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Hoggaankii lixdaa sanadood joogay wuxuu u dhabar adaygay inuu labadaa boqol ee kun ee dollar ee soo gala ururka wax kaga qabto intii badnayd baahiyihii Saxaafadda.”
Xuuto wuxuu sheegay oo kale “Hoggaankayagii waxaanu ku dedaalnay sidii ururka Suxufiyiinta aanu dhul ugu heli lahayn, sidaasi darteed Maanta waxaanu halkan ku wareejin doonaa laba Dhul oo mid hoggaankii naga horreeyay uu sameeyay oo Berbera ku yaalla iyo dhukumantigii Dhul Hargeysa ku yaalla oo Xukuumaddu siisay SOLJA, kaasi oo la doonayo in hoggaanka cusub ay ka dhabeeyaan, oo weliba dhismihii laga dhisi lahaa ay suurto-geliyaan. Ururku wuxuu ku guulaystay inuu 160 Suxufi siiyo aqoon heer Jaamacadeed ah, 80 Degree ah iyo 80 Diploma ah..”
Guddoomiyaha cusub ee SOLJA, Sakariye Axmed Muxumed oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waxaynu taaganahay meel aynu ka sii amba-qaadi karno hawsha uu ururku u hayo Warbaahinta Somaliland. Marka hore waxaanu Ilaahay ka baryaynayaa Aniga iyo Guddiga fulinta inuu nagu asturo Masuuliyaddaas culayskeeda laga sheekeeyay.”
Gebogabadii waxa halkaa ka hadlay isla-markaana xilka u kala wareejiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdinaasir Cumar, waxaanu yidhi “Waxaanu ballan-qaadaynaa inaanu idinkala shaqayno Mabda’aa Dawlad ahaan aynu qaadanay, idinka iyo ururrada kale ee jira.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here