Madaxweynaha Oo Asaasay Machadka Cilmi-Baadhista Beeraha, Ujeedada Iyo Magacyada Guddida

0
91

Hargeysa, January 11, 2021- (Foore)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu Xeer Madaxweyne oo Nambarkiisu yahay Lr. 10/012021 shalay si rasmi ah ugu aasaasay Machadka Cilmi-baadhista Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland oo markii ugu horraysay taariikhda Somaliland noqonaya Machad dhinaca Beeraha ka shaqeeya.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu aasaaska Machadkan ku sheegay mid kaalin mug weyn ka qaadan doona kaalinta beeruhu ugu jiraan dhaqaalaha iyo gaadhitaanka isku-filnaansho dhinaca wax soo saarka daladda Beeraha ah balse waxa dad badani is waydiinayaan saamaynta uu ku yeelan doono wasaaradda Beeraha oo marka horeba ku jirtay wasaaradaha shacabku saluugga weyn ka muujitaan. Inkasta oo Guddida Machadkan uu Guddoomiye uga dhigay Wasiirka Wasaaraddaasi. xeerkuna qeexayo waajibaadka iyo waxa uu qaban doono Machadkani.

Xeerka Madaxweynuhu shalay ku aasaasay Machadka Cilmi-baadhista Beeraha ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Xeer Madaxweyne Lr. 10/012021

Aas-aaska Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha

Markaan Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Muhiimadda ay leeyihiin iyo kaalinta beeruhu ay kaga jiraan dhaqaalaha dalka iyo gaadhitaanka isku-filnaashaha wax-soo-saarka dalaga beeraha;

Markaan Arkay: Baahida loo qabo Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha oo ka masuul noqonaya cilmi-baadhista, daraasadda  iyo kobcinta awoodda beeralayda dalka;

Markaan Arkay: Kaalinta iyo doorka uu Mac’hadku ka qaadan karo kobcinta iyo dhiiri-gelinta wax-soo-saarka beeraha dalka iyo fidinta hababka casriga ah ee wax beerista;

Markaan tix-galiyay: Ahmiyadda weyn ee Mac’hadkani u yeelan karo hirgalinta wax-soo-saarka beeraha oo ku salaysan aqoon iyo cilmi-baadhis casri ah;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

Qodobka 1aad

Dhismaha Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha

1) Waxa halkan lagu aas-aasay Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha, kaas oo noqonaya Mac’had gaar ah oo qaabilsan cilmi-baadhista iyo daraasaynta wax-soo-saarka beeraha dalka.

2) Mac’hadku waxa uu noqonayaa hay’ad Dawli ah oo madax-bannaan, waxaana uu yeelanayaa jiritaan qaanuuni ah iyo shaambad u gaar ah, waxaana uu ku dacwayn karaa, laguna dacwayn karaa magaciisa, sidoo kalena ku qabanayaa hawlaha khuseeya shaqadiisa.

3) Mac’hadku waxa uu hoos imanayaa (Line Ministry) Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Qodobka 2aad

Ujeeddada Mac’hadka

Ujeeddada loo aas-aasay Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeruhu waa:

1) In uu horumariyo wax-soo-saarka dalagyada beeraha, iyada oo la raacayo cilmi-baadhis.

2) In lagu dhiso qaab-dhismeed Dawli ah oo kobciya aqoonta beeralayda, isla markaana ku tababara beeralayda farsamooyinka falashada beeraha, iyadoo lagu salaynayo deegaannada beer roobaadka, beeraha waraabka iyo deegaannada u nugul abaaraha.

3) In uu sameeyo daraasado iyo cilmi-baadhis lagu curinayo tiknoolajiyad casri ah oo lagu horumarinayo beeraha, si kor loogu qaado wax-soo-saarka dalagyada beeraha, loona gaadho isku filnaasho dhinaca cuntada ah.

4) In uu xidhiidhiyo, isla markaana isku duwo hawlaha cilmi-baarista ee xarumaha cilmi-baadhista iyo jaamacadaha, sidoo kalena fuliyo natiijada climi-baadhista.

5) In uu noqdo xarun cilmi-baadhiseed iyo maktabad ururisa mac’luumaadka guud ee la xidhiidha arrimaha beeraha.

6) In uu bixiyo adeegyada la-talinta ee dhinacyada cilmi-baadhista iyo tababarka beeraha.

7) In uu ku tababaro shaqaalaha beeraha iyo beeralayda habka fidinta wax-soo-saarka dalagyada beeraha ee casriga ah.

Qodobka 3aad

Shaqooyinka Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha

Shaqooyinka Mac’hadka cilmi baadhista waxa ka mid ah:

1) Diyaarinta siyaasadaha iyo istiraatiijiyada cilmi-baadhista beeraha, iyagoo la kaashanaya Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

2) Diyaarinta qorshe hawleedka iyo barnaamijyada cilmi-baadhista beeraha iyo hirgelintiisa.

3) Go’aaminta mudnaanta cilmi-baarista, iyadoo lagu salaynayo siyaasadaha dalka ee horumarinta beeraha.

4) Qabashada cilmi-baadhista horumarinta wax-soo-saarka dalagyada beeraha, iyadoo lagu salaynayo siyaasada iyo istiraatiijiyadda cilmi-baadhista beeraha.

5) Abuuridda xarumaha cilmi-baadhista beeraha ee gobollada iyo degmooyinka dalka, iyadoo loo eegayo ku haboonaanshaha carrada iyo deegaanka.

6) Ka qayb qaadashada kor u qaadidda aqoonta iyo xirfada dadwaynaha iyo gaar ahaan beeralayda ee la xidhiidha hirgelinta natiijooyinka cilmi-baadhista iyo fidinta habka beer falashada.

7) Ururinta, habaynta iyo faafinta mac’luumaadka la xidhiidha hawlaha cilmi-baadhista beeraha ee dalka.

8) Ka talo-bixinta arrimaha la xidhiidha cilmi-baadhista beeraha.

9) Kor u qaadidda aqoonta beeralayda ee ka faa’iideysiga khayraadka biyaha iyo waraabka iyo habsami u isticmaalka biyaha.

10) Daraasaynta iyo qiimaynta saamaynta abaaruhu ku yeeshaan wax-soo-saarka beeraha iyo soo-jeedinta xalkooda.

Qodobka 4aad

Qaab-Dhismeedka Mac’hadka

Qaab-Dhismeedka Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeruhu waxa uu ka kooban yahay;

1) Guddiga Sare ee Mac’hadka,

2) Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka,

3) Xarumaha Cilmi-baadhista, iyo

4) Waaxaha & Shaqaalaha kale ee lagama-maarmaanka u ah xil-gudashada Mac’haka.

Qodobka 5aad

Xubnaha  Guddida Sare ee Mac’hadka

Guddiga Sare ee Mac’hadka waxa magacaabaya Madaxweynaha JSL, waxayna ka kooban yihiin 5 xubnood oo kala ah:

1) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha                        =Guddoomiye=

2) Agaasimaha Waaxda Cilmi-baadhista ee W/H/ Beeraha           =xubin=

3) Hormoodka Kulliyada Beeraha ee Jaamacadda Hargeysa        =xubin=

4) Hormoodka Kulliyada Beeraha ee Jaamacadda Camuud          =xubin=

5) Hormoodka Kulliyada Beeraha ee Jaamacadda Burco              =xubin=

Qodobka 6aad

Xilka iyo Waajibaadka Guddida

Xilka iyo waajibaadka Guddida Sare ee Mac’hadka waxa ka mid ah:

1) Diyaarinta siyaasaddaha lagu hagayo Mac’hadka ee ka turjumaya jihada uu u socdo Mac’hadku iyo sida loo hagayo.

2) Kormeeridda hawlaha shaqo iyo habsami u isticmaalka miisaaniyadda Mac’hadka.

3) Ansixinta Qaab-dhismeedka iyo Qorshaha Mac’hadka.

4) Xaqiijinta in mac’hadku u fuliyo hawlihiisa shaqo si habsami ah.

5) Ansixinta aas-aasidda xarumaha cusub ee cilmi-baadhista, marka uu Agaasimaha Fulintu soo gudbiyo.

6) Raadinta dhaqaale uu ku hawl-galo mac’hadku, iyo.

7) Fulinta hawlaha kale ee ku xusan xeerarka dalka ee khuseeya shaqadooda.

Qodobka 7aad

Shirarka Guddida

1) Guddida Sare ee mac’hadku wuxuu yeelanayaa shirar caadi ah iyo shirar aan caadi ahayn.

2) Shirarka Guddida waxaa guddoominaya Guddoomiyaha Guddida.

3) Shirarka Guddidu waxay ku qabsoomayaan marka ay joogaan ugu yaraan afar xubnood, waxayna go’aamadoodu ku ansaxayaan hal dheeri codadka xubnaha jooga.

4) Agaasimaha Fulintu waxa uu noqonayaa Xoghayaha Guddida, wuxuu shirka ka dhiiban karaa ra’yi iyo talo, balse kuma laha cod.

Qodobka 8aad

Agaasimaha Fulinta Mac’hadka

1) Agaasimaha Fulinta Mac’hadka waxa magacaabaya isla markaana xilka ka qaadi kara Madaxweynaha JSL.

2) Agaasimaha Fulinta Mac’hadku waa in uu noqdo qof leh khibrad la xidhiidha ujeeddooyinka loo aas-aasay Mac’hadka (maaraynta iyo cilmi-baadhista).

3) Xilka iyo waajibaadka Agaasimaha Fulinta waxa ka mid ah:

  1. a) Maamulka iyo socod-siinta hawl-maalmeedka shaqo ee Mac’hadka, isaga oo ku shaqaynaya siyaasadaha Qaran ee Mac’hadka.
  2. b) Metelaada iyo ku hadlidda Magaca Mac’hadka.
  3. c) Fulinta qorshayaasha iyo barnaamijyada shaqo ee Mac’hadka.
  4. d) Diyaarinta qorshayaasha iyo barnaamijyada cilmi-baadhista ee Mac’hadka.
  5. e) Hawl-gelinta iyo kormeerka hawl-wadeenada iyo shaqaalaha Mac’hadka. iyo xarumaha cilmi-baadhista.
  6. f) Magacaabidda shaqaalaha Mac’hadka, isaga oo u eegaya khibradda iyo aqoonta ay u leeyihiin booska loo magacaabayo, si waafaqsan xeerka Shaqaalaha Dawladda.
  7. g) Maamulka miisaaniyadda Mac’hadka, isagoo u raacaya xeerarka maaliyadda.
  8. h) Diyaarinta miisaaniyadda iyo xisaab-xidhka Mac’hadka.
  9. i) Diyaarinta war-bixinaha Mac’hadka.
  10. j) Dhaqan-gelinta awaamiirta iyo go’aammada Guddiga ka soo baxa.
  11. k) Qaadista hadal-qoraalka shirarka Guddida iyo kaydinta go’aammada Guddida.
  12. l) Xidhiidhinta Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo Mac’hadka.
  13. m) Qabashada shaqooyinka kale ee lagama-maarmaanka u ah xil-gudashada Mac’hadka.

Qodobka 9aad

Xarumaha Cilmi-baadhista

1) Xarunta cilmi-baadhista beeraha ee ABURIIN iyo dhulka ay ku taalo waxa yeelanaya Mac’hadkan.

2) Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeruhu waxa kale oo uu ku yeelan karaa xarumo cilmi-baadiseed degmooyinka dalka, si uu u fuliyo hawlihiisa la xidhiidha daraasaynta iyo cilmi-baadhista beeraha.

Qodobka 10aad

Xidhiidhka Wasaaradda Horumarinta Beeraha & Mac’hadka

1) Mac’hadka cilmi-baadhista beeruhu waxa uu u gudbinayaa siyaasadaha iyo istiraatiijiyada cilmi-baadhista beeraha ee uu diyaariyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, si uu u ansixiyo.

2) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeruhu waxa uu ka hawl-galayaa sidii mac’hadka loogu raadin lahaa dhaqaale uu ku fuliyo hawlihiisa shaqo.

3) Mac’hadku waxa uu wasaaradda u gudbinayaa war-bixinaha la xidhiidha wax-qabadkiisa.

4) Wasiirku waxa uu siin karaa Mac’hadka tilmaamo iyo talooyin la xidhiidha xil-gudashadiisa marka uu u arko lagama-maarmaan. Sidoo kale Mac’hadku wuxuu ku war-gelinayaa Wasiirka hawlaha uu u arko in ay ku jirto danta Qaranka ee la xidhiidha cilmi-baadhista beeraha dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here