Hargeysa, January 11, 2021- (Foore)- Digreetooyinkii Isku-shaandhaynta, xil-ka qaadista iyo Magacaabista isugu jiray ee uu shalay soo saaray Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa xilalkoodii ay qaranka u hayeen ku waayay 9 Xubnood oo isugu jiray Wasiirro iyo Agaasimayaal kala duwan.
Masuuliyiintan oo qaarkood xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey oo ay muddo dheer ku soo dhex jireen waxa lagu baddalay xubno dhallinyaro ah oo cusub kuwaasi oo qaban doona xilalkii ay hayeen.
Liiska 9-ka xubnood ee xilalkooda waayay waxa ay kala yihiin:
- Hinda Jaamac Xirsi Maxamed– Wasiirkii Hore ee Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
- Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray)– Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
- Cali Xuseen Nuur Beegsi– Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
- Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur– Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta
- Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi – Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda
- Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka
- Xuseen Xaaji Xasan Guuleed– Guddoomiyihii hore ee Guddida Tacliinta Sare
- Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali– Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
- Maxamed Xasan Sheekh Muumin– Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Tacliinta Sare