Muqdisho, January 4, 2021-(Foore) – Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa sheegay, in iyaga oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya, ay laba duqeyn ka fuliyeen Soomaaliya, kowdii Bishan January ee sannadka cusub 2021.
Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in labada duqeymood lala beegsaday dhismooyin ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Kuunyo Barrow. Taliska ayaa intaas ku daray in qiimeyn la sameeyeey ay muujineyso in duqeymahan lagu dilay saddex ka tirsan Al-Shabaab, mid kalena lagu dhaawacay.
AFRICOM waxay sidoo kale sheegeen in duqeymaha ay burburiyeen lix dhisme oo ay leeyihiin Al-Shabaab, mid kalena ay gaadhay waxyeello weyni.
“Qiimeynta hordhaca ah ee taliska AFRICOM waxay muujineysaa inaanay jirin cid shacab ah oo lagu dhaawacay ama lagu dilay howlgalkan,” sidaa waxa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay AFRICOM.
“Duqeymahan waxay si cad u muujinayaan sii socoshada ballan-qaadayad aan u sameyno Soomaaliya iyo saaxiibadeenna gobolka,” waxaa sidaas yidhi agaasimaha howlgallada AFRICOM Maj. Gen. Joel Tyler.
Weeraradii ugu dambeeyey ayaa imanaya ayada oo Mareykanka uu billaabay inuu Soomaaliya ka saaro ciidanka ka jooga, oo lagu qiyaasay 700 oo askari, kadib amar kasoo baxay madaxweyne Donald Trump.
Dhinaca kale wararka la xidhiidha weerarrada wiiggan lala beegsaday kooxda Alshabaab waxa lagu sheegay in duqymo dhinaca diyaaradaha Drone-ta ah lagu bartilmaameedsaday oo dhaawac weyn loogu gaystay idaacadda Andalus ee kooxda Alshabaab oo ah qaybta warbaahinta ee kooxdaasi taasi oo la duqeeyey dad dhawr ahna lagu dilay sidoo kalena lagu burburiyay qalabkii idaacaddaasi.