Cadho Xooggan Oo Ka Dhalatay Go’aan Madaxweynaha Soomaaliya Odayaasha Hawiye Kaga Mamnuucay In Ay Shir Ku Qabsadaan Huteellada Magaalada Muqdisho

0
557

Muqdisho, January 4, 2021- (Foore)- Dawladda Federaalka waddanka Soomaaliya ayaa waxa ay gabi ahaanba is-hortaagtay shir ay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkaasi Soomaaliya ku qabsan lahaayeen odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye wakhti ay jiq isku yihiin Mucaaridka iyo Dawladda uu Hogaamiyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa iney is hortaagtay shir weyn oo ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen shalay oo Axad ahayd odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye arrintaasi oo cadho xooggan iyo guux ka abuurtay shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Dadka u xil saarnaa qaban qaabada shirkaan ayaa warbaahinta u sheegay in hay’adaha dowladda ay la wadaageen qorshaha shirkooda, balse lagu gacan seydhay, loona diiday iney shir ku qabsadaan mid ka mid ah hoteelada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sida ilo madax banaan ay warbaahinta Muqdisho u sheegeen, in ka badan 250 xubnood ayaa lagu casuumay shirkan, waxaana ujeedkiisu ahaa in odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye kaga hadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo sida xal lagu heli karo balse xukuumadda Farmaajo ay ka biyo diidday oo ay u aragtay mid sii xoojinaya mucaaradada adage e muddooyinkii dambe ka hor timid.

Inkasta oo ay jirto diidmada dowladda, haddana odayaasha dhaqanka ayaa weli waxey ku adkeysanayaan iney qabsadaan shirka iyagoo u arka xuquuq dastuuri ah oo ay leeyahiin, waxeyna arintan kusoo beegmaysaa xilli wasaaradda Amniga maamulkaasi Soomaaliya ay mamnuucday in qof aan madaxda sare ee dowladda aheyn aanay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho la gali karin hub.

Dawladda Soomaaliya ayaa sii kordhineysa cadaadiska ay saareyso dhammaan dhinacyada ay u aragto inaysan ku aragti aheyn, taasi oo dadka qaar ay ku macneeyey billowda nidaamka kali-talisnimo.

Dhanka kale xukuumadda waddanka Soomaaliya ayaa culays weyn waxa ay saartay midawga Musharaxiinta madaxweynenimo ee dalkaasi Soomaaliya ee mucaaradka ah. Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku wajahan musharaxiinta mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka kadib markii la joojiyay in hub lala galo gudaha garoonka diyaaradaha.

Amarkaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay inaan hub lala gali karin gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu shaaciyay in go’aankan uusan saameyn doonin madaxda sarre ee dalka, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Go’aankan ayaa waxa uu u muuqda mid ka dhan ah musharaxiinta mucaaridka oo iyagu marka ay ka duuliyaan garoonka la gala ilaalo hubeysan, kuwaasi oo qeyb weyn ka qaata sugida amnigooda, waxeyna arinta kusoo aadeysaa xilli wali uu taagan yahay khilaafka doorashada.

Wasaaraddu marnaba si guud uma mamnuucin hubka lala galayo garoonka, iyada oo go’aankan uusan hor istaageyn ilaalada hubeysan ee madaxda sarre ee dowladda la galaan gudaha garoonka.

Musharaxiinta xilka madaxtinimada iyo madaxdii horaba waxaa soo dhaweynayay ciidamo u gaar ah ama sagootin jiray markii ay ka baxayaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, balse laga bilaabo maanta suuragal ma noqon doonto maadaama ay amar ka dhan ah soo saartay wasaaraddda Amniga.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ah kan ugu mashquulka badan dalka, iyada oo amnigiisa ay gacanta ku hayaan ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan kuw dowladda iyo AMISOM.

Go’aankan ayaa uga sii dari karta xiisada xoogan ee ka dhex taagan madaxda dowladda iyo mucaaridka, iyada oo kusoo aadeysa xili ay xaalad cakiran oo ka dhalatay hanaanka doorashada ay ka taagan tahay dalka.

Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay musharaxiinta mucaaridka oo hore dowlafda ugu eedeyay inay beegsi gaar ah ku hayso.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ayaa ah mid murugsan oo ay jiq isku yihiin mucaaradka iyo Madaxweynaha maamulkaasi waxaana xaaladda sii xumaynaya odayaashan shirka loo diiday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here