Musuqmaasuqa Oo Meel Xun Maraya, Hanti Dhawrka Qaranka Oo Baadhis Ka Wada Dawladda Hoose Ee Burco Iyo Laba Sarkaal Oo Wasaaradda Maaliyadda Ka Tirsanaa Oo Xabsiga La Dhigay

0
1448

Burco, December 21, 2020- (Foore)- Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland ayaa baadhis xoogleh ka bilaabay Xafiisyada Dawladda hoose ee Burco gaar ahaan mashruuca JPLG, Waxa kale ay Maxkamadda Gobolka Burco Xukun Musuq maasuq ku riday Laba sarkaal oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo ay hore Hanti dhawrku Xabsiga ugu taxaabeen.

Gudoomiye ku xigeenka Xafiiska Hanti dhawrka Guud ee Qaranka Somaliland Sacad Cabdi Cabdilaahi oo Waraysi khaas ah siiyay Telefishanka Horn Cable Tv ayaa u xaqiijiyay in Xafiiska Hanti dhawrku baadhis ka bilaabay Xafiisyada Dawladda Hoose ee Burco iyo natiijadda Baadhis ay hore uga sameeyeen Wasaaradda Maaliyadda,gaar ahaan Cashuuraha Berriga.

Gudoomiye Ku Xigeenka oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu baadhanayaa oo aanu hadda Socodkayagan aanu wadnay Mashruuca la yidhaa JPLG ee dawladdaha Hoose iyo Dawladda dhexeba, Hay’adda kaleba ay kawada shaqaynayeen ayaanu u nimid, waxaa xusid mudan inay tahay markii ugu horaysay ee Xafiiska Hanti dhawrka guud ee Qaranku uu baadhayo mashruucaas oo badhax tiran,waliba waxaan xusi karaa qoladda Hay’addaha maalgaliya Mashruuca JPLG-gu ay codsi noosoo gudbiyeen, oo ay naga codsadeen inaanu baadhno mashruucaasi”.

Waxa kale oo  uu yidhi “Baadhis ayaanu hore uga samaynay Cashuuraha Berriga, Dad ayaanu ka eedaynay aanu u gudbinay hay’addaha Garsoorka ee ay khusayso, dacwaddii waa la qaaday, Xukun ayaa dhacay,sida lanoosoo sheegay, ee ay Xeer Illaalintu nala wadaagtay, markaa kol haddii uu Xukun dhaco, racfaanna aanay ka qaadan Xeer Illaalintu,Kiiskaasi anaga wuu naga xidhmayaa, markaa Xukunbaa dhacay, wixii lanooga baahnaa ee Markhaati ahna waanu fulinay, labaddii Qof ee aanu xidhnay ayaa la xukumay”.

Ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka Hantidhawrka qaranku.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here