Hargeysa, December 21, 2020-(Foore) Qaar Kamid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa waxa ka dhex qarxay Khilaaf Siyaasaddeed aad u culus oo gaadhay heer ay war-baahinta isku mariyaan haddalo xannaf leh,kaas oo ka dhashay arragtiyo kale duwan oo ay ka bixiyeen socdaalkii uu dhawaan Madaxweyne Biixi ku tegay dalka Kiiniya
Khilaafkan ayaa ah mid u dhexeeya Cabdilaahi Daamur oo kamid ah hoggaanka Sarre ee Xisbiga WADDANI iyo Xoghayaha arrimaha Guddaha Xisbigaas Maxamed Faarax Cabdi,waxaanu ka dhashay kadib markii uu dhawaan war-baahinta la haddlay Siyaasi Cabdilaahi Daamur oo uu soo dhaweeyey socdaalkii Madaxweyne Biixi iyo weftigiisu ay ku tageen dalka Kiiniya,halka uu isna xoghayaha arrimaha guddaha Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax uu dhaliilay socdaalkaa ay Madaxweyne Biixi iyo weftigiisu ku tageen dalka Kiiniya, isla markaana uu eeddeeyey Siyaasi Cabdilaahi Axmed Daamur oo uu ku sheegay in aanu afkii Xisbiga ku haddlayn, haseyeeshaa uu arragtidiisa ka haddlay, waxaanu sheegay Xoghaye Maxamed Faarax uu isagu ku haddlayo afkii Xisbiga oo ay arragtida Xisbigu tahay middaa sabab la’aan uga soo horjeesanaysa socdaalkii weftiga Madaxweyne Biixi ay ku tageen dalka Kiiniya.
Dhanka kalene Siyaasi Cali Cantar oo kamid ah masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ayaa arrintaas ka haddlay waxaanu sheegay in aanay sax ahayn in masuuliyiinta Xisbiga ay war-baahinta isku dhaafsadaan haddalo xajiin leh,waxaanu sheegay in labada masuul looga yeedhayo xarunta Xisbiga WADDANI “Runtii waxa weeye in aanu Xafiiska isla tagno waana laga shaqayn doonnaa arrintaas wixii laga yeelayo,lakiin waxa loo baahan yahay in aan laba madax ah oo WADDANI ahi iskugu jawaabin war-baahinta oo aanay ka yooyootamin aan midna sax odhan midna khalad odhan ,waxaana wanaagsan marka qadiyad la sheegaayo oo horumar dalka ah la sheegayo in aanu ku taageer-no annagu sidda kale ayaanu Mucaarad ugu nahay iyo wixii ay xumeeyaan ayaanu mucaarad ku nahay,lakiin wixii ay wanaajiyaan waa in aanu ku raacnaa Xisbi ahaan haddii kale Xisbi jiri ma noqonayno oo Xisbi Qaran ma noqonayno .”
Siyaasi Cali Cantar ayaa waxa kale oo uu sheegay in aanay haboonayn in masuuliyiinta Xisbigu ay iyagu is weeraraan,balse loo baahan yahay inay midnimo iyo wadda jir ay u wadda shaqeeyaan si ay guusha u gaadhaan “Labadoodana Xafiiska ayaanu isla tegi doonnaa waa laba nin oo Madax ah weeye midna waa Hoggaan midna waxa weeye Xoghaye , markaa kale sarayn ayaa jirta ixtiraam ayaa jira wadda jirnimo ayaa jirta meel ayaa loo wadda shaqaynayaa meel ayaa loo wadda guntan yahay in midnimo lagu waddo hawsha ayaa loo baahan yahay ee maaha in annaga laftayaddii aannu iskale soo horjeesano mindiyo Af leh .”ayuu yidhi
Geesta kalena Khilaaf ka dhex-qarxay masuuliytiinta Xisbiga WADDANI ayaa ku soo aaday xili uu dalka ka maqan-yahay Guddoomiyihii Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Lama oga wakhtiga ay anshax marin doonaan xubnahan.