Halkee Ayey Ku Dambaysay Waddadii Afarta Haad Ahayd Ee Ay Madaxtooyadda Somaliland Sheegtay Inay Ka Hirgelinayso Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa?

0
630

Hargeysa, December 21, 2020-(Foore)- Maxtooyadda Somaliland ayaa badhtamihii bishii September ee sannadka hadda sii galbanaya ee 2020-ka shacab weynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa ugu bushaaraysay inay jidka wadnaha ah ee Magaalada Hargeysa ay ka dhigayso jid afar haad ah oo casri ah,taas oo ay shacab ku dhaqan Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan-ba bulshada reer Somaliland ay si weyn u soo dhaweeyeen,balse waxa la is weydiinayaa halka uu ku dambeeyey mashruucii jidka afarta haad ahaa ee ay Madaxtooyadda Somaliland sheegtay inay ka hirgelinayso guddaha Magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bille ayaa isagu ah masuul ku haddlayey afka Madaxtooyadda Somaliland ee afar bilood ka hor sheeciyey in jidkaas badhtamaha Hargeysa la ballaadhinayo,isla markaana laga dhisayo afar haad ilaa Dowladda hoose ee Hargeysa,balse ilaa hadda ma muuqdo ifafaale sheegay in jidkaas laga dhigayo afartii haad ee uu sawirray agaasime Bille.

Geesta kalena Agaasimaha Madaxtooyadda ayaa mar uu arrintaas ka hadlayey waxa kamid ahaa haddaladiisii kuwan “Waddadan cusub ee la ballaadhinayo ee la casriyeynayo ee Magaalada dhexmarta oo ah waddadii wadnaha,waddadaas waxa laga dhigayaa waddo afar haadda oo ballaadhan oo qurux baddan oo gidaar ilaa gidaar la ballaadhinayo,waxa laga soo bilaabayaa Green Plaza ilaa iyo Dowladda hoose ayuu wejiga koobaad soconayaa.” Ayuu sheegay 19 September 2020-ka.

Waxa kale oo uu intaas ku daray “waa waddo laydhadhkeedii waddatay,waa waddo ishaarooyinkeedii iyo laydhadhkeedii casaa wadatay,waa waddo waddatay meelihii kale qaybinayey  iyo rinjigaadii oo biyo mareenadiin loo samaynayo,markaa quruxda caynkaas ah ayaa la samaynayaa waddadan dhismaheeda waxa iska kaashanaya Xafiiska ,Madaxtooyadda iyo Dowladda Hoose oo kharashka iyo shaqada wadda qaybsanaya .” Ayuu yidhi 19 September 2020-ka.

Dhanka kalene Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bille ayaa waxa uu sheegay wakhtigaas in si dhakhsa leh arrintaas loo hirgelinayo,isla markaana laga bilaabayo kaabadaha ka soo horeeya xayndaabka Madaxtooyadda Somaliland, balse ilaa hadda waxa muuqata in aanay arrintaas hirgelin,haseyeeshee ilaa hadda ma jirto wax tallaabo ah oo muuqata oo ay u qaadaan samaynta jidkaas,waxaanu mashruucani noqday mid u san-saan eeg fadeexadii mashruuca xunba weyne ee cahdigii Madaxweyne Siilaanyo.

Si kastaba ha-ahaatee shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeysa,ayaa si weyn isku weydiinayaan halka uu ku dambeeyey mashruucii ay u riyaaqeen ee ay Madaxtooyadda Somaliland ku sheegtay inay jidka badhtamaha Magaalada Hargeysa ku ballaadhinayso,isla markaana ay kaga dhisayso jid casri ah oo afar haad,balse waxaynu dhawrnaa halka uu ku dambeeyo mashruucaas inuu noqdo mid qaada jidkii xubo weyne maray iyo in kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here