Yuusuf Garaad Oo Loo Magacaabay Ergeyga Urur Halis Ku Ah Qaranimada Somaliland Oo Muddoba Jabuuti, Itoobiya Iyo Soomaaliya Ay Ka Shaqeeyaan

0
779

Muqdisho, December 3, 2020- (Foore)- Ururka loogu yeedho Dalalka ku bahoobay Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxa uu yahay mid ay muddoba dawladaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya ka shaqeeyaan iyaga oo la kaashanaya dalal Carbeed iyo kuwo kaleba kaasi oo aan haba yaraatee waxba la isaga waydiin Somaliland oo iyadu ah dalka Juquraafi ahaan kulaalaya ee ku yaalla Badda Cas marka laga hadlayo wixii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Ururkan oo labadii sano ee ugu dambeeyey ay si weyn uga shaqeeyaan dalalkaasi aan soo sheegnay ayaa waxa shalay loo magacaabay in uu ergay uga Noqdo Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed ooh ore maamule uga soo noqday laanta afka soomaaliga ee BBC, sidoo kalena xilal danjire iyo wasiir ARrimo dibadeed ka soo noqday dawladda Muqdisho, kaasi oo baddal u noqon doona ninkii hore xilkan ugu magacawnaa Soomaaliya oo dhawaan laga dhigay wasiiru dawle Balal Maxamed Cismaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa shalay galab ugu magacaabay Yuusuf-Garaad Cumar in uu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Soomaaliya  u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Wasiirkii hore ee arimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraalka soo baxay madaxtooyada loogu magacaabay ergayga gaar ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed u qaabilsan Soomaaliya, waxana wareegtada madaxtooyada lagu sheegay in madaxweynuha u xilsaaray Mr Garaad “ in uu sii ambaqaado doorka dalkoodu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku saleysan wax-wada qabsi, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi Villa Soomaaliya ka soo baxay. “Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaadhnay guul weyn oo waxtar u ah xasilloonida iyo horumarka mandiqadda” ayaa sidoo kale lagu yidhi war-saxaafadeedkan.

Madaxweynaha maamulka Muqdisho Farmaajo ayaa tilmaamay xeeldheerida diblumaasiyadeed ee Danjire Yuusuf-Garaad oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjirihii hore ee Qaramada Midoobey ee New York kaasi oo uu u rajeeyay in Ilaahay uu u fududeeyo masuuliyaddan culus.

Isku soo duuboo xukuumadda Somaliland ayaan la ogayn wax uga meel yaalla iskaashi Goboleedkaasi ay IGAD Soomaaliya kala shaqaynaysay sannadihii ugu dambeeyey, oo ah waxa loogu yeedho iskaashiga dalalka Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo hore kulamo uu leeyahay loogu qabtay dalal ay ka mid yihiin Sucuudiga, Jabuuti, Suudaan, Itoobiya iyo Soomaaliya. Iskaashi Goboleedkan ayay hindisihiisa leedahay dawladda Itoobiya waxaana hawshan gadhwadeen ka ah Ambasaddor Yibeletal Aemero, oo ah u qaybsanaha Itoobiya ee mashruucan halista ah. Waana urur halis ku ah Badda Somaliland iyo siyaasadeedaba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here