Hargeysa, November 3, 2020-(Foore)- Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland Md. Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-Raac) oo shalay ku sugnaa deegaamada xuduudda ayaa mar uu marayay Degmada Balligubadle waxa uu shaaciyay in Komishanka doorashooyinka qaranku isla qaatay in muddo kordhin lagu sameeyo goobihii maalmihii ugu dambeeyey ay ka socotay is diiwaan galinta ee Gobolka Awdal iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Maroodi Jeex isaga oo sheegay in muddodaasi oo shalay ku egayd lagu kordhiyay muddo saddex maalmood ah.
Komishanka Doorashooyinka oo warbaahinta kula hadlay Duleedka Balligubadle shalay waxa uu sheegay in Degmo doorashooyinka iyo goobo xuduudda ah oo ku yaalla Awdal iyo Maroodi Jeex ay diiwaan galintu ka socon doonto illaa shanta Bishan Diisambar. Isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu guddoomiyuhu yidhi: “Degmooyinka Sallaxlay, Balligubadle, Gabilay iyo Gobolka Awdal ayaanu soo marnay sida hawshu u socotay oo aanu ka soo shaqaynay waxaanu hadda ku suganahay kaabadda qolqol oo ka tirsan degmada Balligubadle. Sida aad la socotaan maanta (Shalay) waxa innoo soo xidhmayay afartii casho ee loogu talo galay diiwaan galinta.
Haseyeeshee markii uu Komishanku arkay culayska xuduudaha ka jira iyo dadka is diiwaan galinaya oo ay afartii casho ku filmaan wayday waxa aanu samaynay muddo kordhin ah saddex maalmood sidaa darteed illaa Bisha shanteeda waxa ay ka socon doontaa goobo xuduudaha ka mid ah. Degmo doorashooyinka iyo caasimadaha oo ah sida Boorama, caasimadda Gobolka Awdal iyo dhammaan degmo doorashooyinka iyo goobaha xuduudaha ku yaalla. Maadaama Komishanku safartii casho ku jiray sahamin iyo indhoindhayn sida xaaladdu noqoto waxa la isla gartay oo noo soo baxay meelo wali culays badani saaran yahay. Sidaa darteed ayaa loo kordhiyay saddex maalmood. Saddexdaa maalmood waxaanu dadka ugu baaqaynaa in ay is diiwaan galiyaan. Anaga oo u sheegayna in aan korodhsiimo dambe jirin”. Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.