Burco, December 3, 2020-(Foore)- Siyaasiyiinta wax-garadka iyo dhalinyaradda beesha Bariga Burco ayaa dareeno kale duwan ka muujiyey, kadib markii dhawaan xilka laga qaaday Afhayeenkii Xisbiga KULMIYE Xasan Gafadhi,kuwaas oo qaarkood ay u arkayn in si hoos looga sifaynayo man isla markaana xilkaas loo magacaabay siyaasi Cabdinaasir Buuni oo aan kamid ahayn Xisbiga KULMIYE, kaas oo degaan ahaan ka soo jeeda Boorama, waxaanay naawilayeen mar haddii Xasan Gafadhi Xilkaas laga qaaday in loo magacaabi doonno siyaasi kale oo ka soo jeeda Bariga Burco, haseyeeshee taas ayaan dhicin.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa bishii March 8 – 2016 -kii xilka Afhayeenka Xisbiga KULMIYE u magacaabay Wasiir Xasan Gafaadhi, kaas oo hayey muddo shan sanno ku dhaw, balse Xilkaas ayaa laga qaaday toddobaddkii hore dhammadkii bishii November11/2020,waxaana loo magacaabay Siyaasi Cabdinasir Buuni
Dhanka kalena Siyaasiyiyiinta iyo dhalinyarada Beesha bariga Burco ayaa xilka qaadista Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Wasiir Xasan Gafaadhi si weyn uga soo horjeestay,waxaana qaarkood ay qoraalo ay baahiyeen ku sheegeen in si hoose beesha looga sifaynayo Xisbiga KULMIYE ee ay bud-dhig u ahayeen siyaasadiisa,waxaanay sheegeen in siyaasada cusub ee Xisbiga KULMIYE uu wadaa ay keentay in lagu guuro.
Qaar Kamdi ah Tageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee gobolka Saraar oo Xilka qaadista Afhayeen Wasiir Xasan Gafaadhi war-baahinta kula hadlay Caynabo ayaa sheegay sidan “Waxaanu sheegaynaa in abaalkii aanu u galnay Xisbiga KULMIYE aanu weli gudin ,KULMIYE waxaan leenahay ha ugu soo hagaagin Caynaba iyo Saraar sidii hore ,waxaan u mallaynayaan Caynaba in baddan ayuu macaan ka cunay KULMIYE inuu qadhaadhka u dhici doono,Maanta sidii aanu kugu lisnay noogu maad hanbeyn,Ma nihin hangool maalin geedi la tebayo .”aayuu.
Geesta kalene Beesha bariga Burco toddobaadkan,ayaa waxa Magaalada Burco socdaal ku tegay masuuliyiin xilal ka haya Xukuumadda Biixi,kuwaas oo ay kamid ahayeen Wasiirka Wasaaradda Macdanta Jaamac ,Wasiir Hinda Gaani, Guddoomiye Xinif iyo Xildhibaan Ubama iyo masuuliyiin kale oo ka soo jeeda Beeshaas,waxaanay u muuqdaan haddaladooddu kuwa tawaawuc ah , isla markaana ay ku beer la xawsanayaan beeshooda inay ku qancinayaan Taageeradda Xisbiga KULMIYE ee mustaqbalka dhow, iyagoo madasha ay ka qayb-geleen ay ahayd xaflad weyd ah oo ay xilka kula kale wareegayaan Guddooomiyiihi hore ee Togdheer ee KULMIYE iyo Guddoomiyaha Xilkaas loo magacaabay dhawaan
Guddoomiyaha Barakacayaasha iyo qaxoontiga Cabdikariin Xinif oo madashaas ka hadlaya ayaa haddalkiisu u dhignaa sidan “waxaan diyaar idiin la nahay in aad wixii nooga baahataan haddii masuuliyiinta Dowlada dhexe aanu qayb-tayadda ka qaadano , Gobolka Togdheer aynu gacmaha is qabsano aynu midowno aynu danaheena u midowno aynu masaalix-deena ku midowno aynu KULMIYE u midowno .”
Geesta kalene Wasiir Hinda Gaani oo iyana halkaas ka haddashay ayaa sheegaty inay ujeeda ay Burco u tageen ay tahay inay ogadaan Tageeradda Xisbiga KULMIYE uu ku leeyahay Barriga Burco “Waxaanu halkan u imi in aanu marag ka furno oo markhaati ka noqono Xisbiga KULMIYE inuu yahay gobolkan Togdheer , bartii laga aasaasay halkii laambada , Daaha iyo tiirkaba u ahayd , marnaba aanay dhici karrin inuu qof kale tirsadaa oo aan Xisbiga KULMIYE ahayn.”Wasiir Hinda Gaani
Waxa isna halkaas ka hadla Wasiirka Macdanta Jaamac Xaaj Maxamuud ,waxaanu sheegay sidan “Inay ka baddan tahay Xil wareejin ee ay tahay is muujin inay tahay is xasuusin waa u diyaar garow mustaqbalka soo socda oo KULMIYE togdheer u diyaar garoobayo, waxaan idinka rajaynayaa taas in aad dhexda u xidhataan abaabulkeedii gashaan “ ayuu yidhi wasiirka Macdanta iyo Tamartu.