Dubai, November 26, 2020- (Foore)- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xayiraad hor leh kusoo rogtay 13 dal oo u badan Muslimiin, isla markaana ay ku jirto Soomaaliya, kuwaasi oo laga joojiyey bixinta fiisooyinka cusub ee dalkaasi.
Imaaraadka ayaa dalalkaasi ka joojiyey fiisooyinka booqashada iyo shaqada ee uu hore u siin jiray muwaadiniinta kasoo jeeda dalal ay ka mid yihiin Somalia, Iran, Turkey iyo Syria, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters. Waraaqda xanibaadan cusub ayaa waxa loo kala diray shirkadaha ka shaqeeya dalkaasi ee inta badan shaqaalaha ka qaata dalalka lagu soo rogay xannibaadda.
Waxa lagu sheegay waraaqdaasi ‘in codsiyada shaqaaleynta cusub iyo fiisooyinka booqashada la joojiyay illaa ogeysiis dheeri ah oo ay dowladda Imaaraadka Carabtu kasoo saarto dalalkaas.
Xayiraadda fiisaha ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah muwaadiniinta Algeria, Kenya, Iraq, Lebanon, Pakistan iyo Tunisia, sida ku xusan waraaqda kasoo baxday Imaaraadka Carabta.
Wararka ayaa intaas kusii daray in amarkan cusub uu dhaqan galay Arbacada toddobaadkii hore oo ku taariikhaysnayd 18-kii November, sida ku cad dhukumentiyada ay soo xigatay warbaahintu.
Illaa hadda majiro war rasmi ah oo ay warbaahinta la wadaagtay hay’adda aqoonsiga iyo jinsiyadaha ee Imaaraadka, maadama ay xayiraadan khuseyso arrimaha socdaalka.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu muddoba xumaa xidhiidhka u dhaxeeyey dawladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabtu kadib markii ay dhawr sano ka hor dawladda Soomaaliya u hiilisay ama ay raacday dalka Qatar oo ay aad isu hayaan Imaaraadka. Lama oga in mamnuuciddan cusubi saamayn doonto dadka reer Somaliland inkasta ooh ore imaaraadku u sheegay in uu aqbalayo fiisayaasha baasaaboorka Somaliland haddana aanu ahayn wax rasmi ah.