Jabuuti, November 26, 2020- (Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa walaac weyn waxa uu ka muujiyay in Baarlamanka waddanka Soomaaliya ay qabsadaan kooxda Alshabaab ee dagaalka adag kula jirta dalalka Soomaaliya iyo Kenya taasi oo saamayn weyn ku yeelan karta doorashada dalkaasi laga qabanayo bisha soo socota, kadibna keensan kara xildhibaanno ay dusha ka maamusho oo iyaga u shaqeeya.
Sida ay ku soo warramayso shabakadda wararka ee The African Report, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu sheegay in doorashada la muddeeyey ee horraanta sannadka soo socda ka qabsoomaysa waddanka Soomaaliya, gaar ahaan Golaha shacabka in uu cabsi weyn ka qabo in Golahaasi noqdo Gole Alshabaab ah ama ay Alshabaab si dadban u maamushaan.
Madaxweynaha Jabuuti oo Arrintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi: “Doorashadii goleyaasha sharci dejinta ee Soomaaliya waxaa loo muddeeyey sannadka 2021 ka. Waxa aan ka cabsi qabaa in aynu ku dambayno baarlamaan ay Alshabaab si dadban u maamusho, waayo waxa ay iibsan doonaan taageerada xildhibaannada” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle, Madaxweynaha Jabuuti.