Xisbiga WADDANI Oo Madaxweynaha Ku Eeedeeyey Inuu Hayb Qabiil Ku Kala Jeclaysto Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya

0
622

Hargeysa, November 21, 2020- (Foore)- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Khadar Xuseen Cabdi Ayaa Madaxtooyada Somaliland waxa uu ku eedeeyey in ay hayb qabiil u kala jeclaystao una soo kala dhawaysato siyaasiyiinta xilalka sare ka haya dawladda Soomaaliya oo ay qaarkoodna u aragto rag halgamaa ah oo aan mar kali ah lasoo hadal qaadin lana eedayn halka kuwo kalena khaa’inul waddan ku sheegta iyo rag cadaw kalkaal ah.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Khadar Xuseen Cabdi waxa uu qoraal uu ku baahiyay Degelka uu ku leeyahay Mareegta Facebook ee xidhiidhka Bulshada waxa uu ku sheegay in Hoggaanka maanta talada dalka hayaa uu yahay mid qabyaaladda far waaweyn umadda ugu qoraya isaga oo Xoghaye Khadar tusaale u soo qaatay arrin uu ku sheegey in hogaanka dalku si badheedh ah oo qabyaaladeed ugu kala dhawaysto Ra’iisal wasaare Ku xigeenka iyo Guddoonshaha aqalka saree e dawladda Soomaaliya Mudane Khadar Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Khadar Xuseen Cabdi oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu qoraalkiisa ku yidhi: “Siyaasadda Somaliland ee hoggaanka maanta joogaa uu ku hagayaa waa taas Cabdi Xaashi oo ah Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya u taqaana halgamaa weyn oo xalaal ah oo la fahmi la’yahay, halka Khadar M Guuleed oo isaguna ah Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya u taqaana khaa’inul waddan calooshiisa u shaqeyste ah.

Waa sababta midna baraha bulshada looga caayo maalin kasta midna aan loo soo hadal qaadinba! Hadda ogow labadooduba isku dawlad ayay ka tirsan yihiin isku waxna waa ay doonayaan oo ah in ay midnimo Soomaaliyeed hirgasho, waana sababta ay Xamar u joogaan. Hoggaminta dhaqanka ka dhigatay in ay labadaa mas’uul ee midnimo doonka ah ku soo kala dhawaysato ilma-adeernimo, waxa ay cashar dhalinyarada iyo faca danbe ugu dhigaysaa qiimaha ay qabyaaladdu leedahay gorgortan la’aan. Sidaa awgeed, saw arrimahani badheedh cad maaha oo dadka far waawayn loogu qorayo in qabyaaladdu tahay waajib la gudanayo xilli kasta!” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Khadar Xuseen Cabdi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here